David Alaba Oo Daboolka Ka Qaaday Sababta Rasmiga Ah Ee Uu Uga Tegayo
Xiddiga reer Austria ee boosaska badan ka ciyaara ee David Alaba, waxa uu si xor ah uga tegi doonaa Bayern Munich marka uu dhamaado xilli ciyaareedku, isagoo soo afjari doona muddo 13 sannadood ah oo uu kooxdaas u ciyaarayay.David Alaba oo heshiiskii uu kula jiray Munich uu ku egyahay bisha June, waxa uu qaatay go’aan adag oo ah in uu iskaga tago kooxda uu kusoo barbaaray ee illaa carruurnimadiisii uu u ciyaarayay.28 jirkan oo ay Munich u bandhigtay qandaraas cusub ayaa iska diiday, waxaana sababta uu ku sheegay in uu…