Xigasho: Rooble oo diiday qorshe Villa Soomaaliya loogu wareejinayo Cabdi Cali Raage – Axadle
Muqdisho (Axadle) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa diiday isku day ay madaxtooyadu ku doonaysay inay ku faragaliso doorkiisa hoggaaminta doorashooyinka dalka, sida ay ogaatay Axadle.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Axadle u sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uu diiday soo jeedin ka timid madaxtooyada oo ahayd in xafiiska loo wareejiyo Cabdi Cali Raage oo ah la-taliyaha madaxweyne Farmaajo ee arrimaha doorashada.…