Rooble wuxuu qaadaa ficil la xiriira dilkii askari ka tirsanaa ciidamada Nabad Sugida Qaranka – Axadle
Muqdisho (Axadle) - Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka kooban wasiiro iyo saraakiil ka tirsan laamaha amniga si ay u soo baaraan dilkii dhawaan loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada Nabadsugida Qaranka oo maanta la kulmay ehelada marxuumka.
Guddiga loo saaray baaritaanka kiiskan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Xasan Xundubey, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan…