Brazil Oo Guul Ku Bilaabatay Copa America & Colombia Oo Aan Dareemin
Tartanka qaramada Latin America ee Copa America ayaa bilaabmay saqdii dhexe ee xalay kaddib muddo khilaaf iyo muran soo jiitamayay oo mar lagu dhowaaday in sannadkii labaad dib loo dhigo tartanka.Copa America oo ay ahayd in lagu qabto waddamada Colombia iyo Argentina oo si wada-jir ah loogu sii qorsheeyey ayaa laga soo wareejiyey laba toddobaad ka hor, kaddib markii uu xidhiidhka kubadda cagta Latin America ee CONMEBOL uu sheegay in deggenaansho la’aan siyaasadeed iyo fayraska Korona oo si weyn ugu faafaya darteed aan…