Brazil Oo Guul Ku Bilaabatay Copa America & Colombia Oo Aan Dareemin

Tartanka qaramada Latin America ee Copa America ayaa bilaabmay saqdii dhexe ee xalay kaddib muddo khilaaf iyo muran soo jiitamayay oo mar lagu dhowaaday in sannadkii labaad dib loo dhigo tartanka.

Copa America oo ay ahayd in lagu qabto waddamada Colombia iyo Argentina oo si wada-jir ah loogu sii qorsheeyey ayaa laga soo wareejiyey laba toddobaad ka hor, kaddib markii uu xidhiidhka kubadda cagta Latin America ee CONMEBOL uu sheegay in deggenaansho la’aan siyaasadeed iyo fayraska Korona oo si weyn ugu faafaya darteed aan labadan waddan midna loogu qaban karaynin.

Brazil oo ahaa dalka loosoo wareejiyey tartankan ayaa mucaaradad badan ay kala hor yimaaddeen ciyaartoyda, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ahiba, sababtuna waxay ahayd Fayraska Korona ee nus milyanka qof dilay, walina sii faafaya.

Si kastaba, tartanka ayaa xalay lagu furay isla waddanka Brazil oo uu ka socon doono muddo bil ah, waxaana xalay ba dhacay laba ciyaarood.

Xulka qaranka Brazil aya 3-0 ku garaacay Venezuela ciyaar bilaabantay 12kii habeennimo ee saqda dhexe, waxaana goolasha Brazil u dhaliyey Marquinhos, Neymar iyo Gabriel Barbosa.

Colombia ayaa iyaduna 1-0 kaga badisay Ecuador, waxaana goolka madiga ah u dhaliyey Edwin Cardona.

Saqda dhexe ee caawa ayaa waxa iyaguna ciyaari doona Argentina iyo Chile, waxaana ciyaartan ka maqan Alexis Sanchez oo dhaawac ah, halka Paraguay iyo Bolivia ay ciyaartoodu bilaabmi doonto 3am.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More