John Gachie: Soomaaliya ayaa ku adkaatay loolankii Kenya
Nairobi (Axadle) – Dowladda Kenya ayaa Khamiistii qaaday tallaabo lama filaan ah oo ay dib ugu furtay duulimaadyadii Soomaaliya, bil un kadib markii ay sheegtay inay hakisay illaa muddo saddex bilood ah.
Kenya ayaa go’aanka ay qaadatay ku macneysay “niyad wanaag muujin” ayada oo rajeyneysa inuu hoggaamin karo in xiriirka labada dal uu si buuxda caadi ugu soo noqdo.
John Gachie, oo taxliiliya siyaasadda Geeska Afrika, ayaa wargeyska The Standard u sheegay in Kenya laga adkaaday oo ay dhexda ka taagan yahay xaalad adag,…