RASMI: Gennaro Gattuso Oo Iska Casilay Fiorentina Oo 22 Maalmood Ka
Tababaraha Talyaaniga ah ee Gennaro Gattuso ayaa si rasmi ah iskaga casilay Fiorentina oo saddex toddobaad ka hor u magacowday macallinkeeda cusub ee beddelaya Giuseppe Iachini oo lix bilood oo uu shaqada hayey kaddib la caydhiyey.Sidii aanu xalay idiin soo gudbinay, Gattuso ayaa go’aansaday inuu ka tago kooxda 22ka maalmood ka hor shaqada u magacowday kaddib khilaf soo kala dhex-galay labada dhinac oo uu qayb ka yahay wakiilkiisa Jorge Mendes.Fiorentina ayaa hadda si rasmi ah ugu dhawaaqday, in Gattuso uu ka tegay kooxda…