Belgium Oo U Gudubtay Wareegga 16ka Iyo Denmark Oo Hadhay Xilli
Xulka qaranka Belgum ayaa iska xaadiriyey wareegga 16ka ee tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, kaddib markii ay 2-1 ku garaaceen Denmark oo gool kala hormaray.Belgium ayaa daqiiqaddii 2aad lagaga naxsaday gool uu ka dhaliyey Yussuf Poulsen oo shabaqooda ku hubsaday kubbad uu ka helay Pierre-Emile Hoejbjerg, waxaana xigay waqti kooban oo la joojiyey ciyaarta oo maamuus loo samaynayay laacibka uu wadne xanuunku kusoo booday ee Christian Eriksen oo daqiiqaddii 10aad loo joojiyey ciyaarta.Xulka qaranka Belgium ayaa qaybtii…