50ka Kooxood Ee Ugu Qanisan Dunida Oo La Magacaabay, Ingiriiska Oo 18
Waxa lasoo saaray 50ka kooxood ee ugu qanisan dunida waqtigan, waxaana tirada ugu badan ku yeeshay Ingiriiska oo 18 ka mid ah 20ka kooxood ee horyaalka Premier League uu ka kooban yahay ay ugu jiraan.Manchester City ayaa sare usoo kacday oo kusoo dhowaatay saddexda ugu sarreeya, iyadoo soo gashay kaalinta afraad. Kooxdan oo sannadkii 2008 uu la wareegay Sheikh Mansour ayaa la geliyey lacag badan, waxaanay kusoo jirtay waqtiyo guulo ah iyadoo suuqa kasoo qaadata ciyaartoyga ay u baahan tahay xilli aanay walwal ka qabin…