FADEEXAD: Vidal, Medel Iyo AFAR Ciyaartoy Oo Kale Oo Laga Caydhinayo

Lix ka mid ah ciyaartoyda xulka qaranka Chile ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Latin America ee Copa America ayaa ku jira fadeexad sababaysa in lagu rido ganaaxyo, kaddib markii hotelka ay deggan yihiin ee Gran Hotel Odara ay ugu yeedheen tiro haween ah oo ciyaartoyda.

Ciyaaryahannadan oo uu hormood u ahaa Arturo Vidal ayaa waxay soo casuumeen tiro haween ah oo xiddigaha xulka qaranka dalkaas waqti kula qaatay hotelka.

Xulka qaranka Chile ayaa deggan magaalada Cuiaba ee xarunta dawlad-goboleedka Mato Grosso ee waddanka Brazil.

Tababaraha iyo xidhiidhka kubadda cagta Chile ayaa la filayaa in ay tallaabo adag ka qaadaan ciyaaryahannada ficilkan ku kacay, waxaana suurtogal ah in dhamaan lixda ciyaartoyba laga caydhiyo xulka dalkaas oo dib loogu celiyo waddankooda  Chile.

Inkasta oo aanay Chile war rasmi ah soo saarin, haddana magacyada ciyaartoyda lixda ah ayaa lagu sheegay Jean Meneses, Arturo Vidal, Gary Medel, Pablo Galmames, Pablo Aranguiz iyo Eduardo Vargas.

Maalmo ka hor, waxa ganaaxyo lagu riday labada ciyaartoy ee Medel iyo Vidal oo xidhiidhka qaramada Latin America ee Conmebol uu ku helay dembi ah in hotelka ay ugu yimaaddeen timo-jareyaal, taas oo aan loo ogolayn maadaama fayraska Korona uu waddanka Brazil si aad ah ugu faafayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More