Isku-aadka Wareegga 16ka Euro: England vs France/Portugal/Germany –
Isku-aadka rasmiga ah ee wareegga 16ka tartanka Euro ayaa soo bixi doona caawa, marka ay soo dhamaadaan kulamada Group-yada E iyo F, halkaas oo ay horeba uga soo gudbeen France iyo Sweden laakiin laga filayo inay kasoo baxaan afar waddan oo kale oo soo raaca 12ka dal ee illaa hadda iska xaadiriyey wareegga xiga.Ka hor inta aan la gaadhin isku-aadka rasmiga ah, waxa lasii ogyahay waddamada isku-aaday wareegga xiga qaarkood, halka kuwo kalena ay kaliya muuqato in labadooda Group ay isku dhici doonaan.Ingiriiska ayaa af Libaax…