Sergio Ramos Oo Saaxiibadiisa Ugu Dhow U Sheegay Kooxda Uu Ku Biirayo

Sergio Ramos ayaa ka tagaya Real Madrid ka dib 16 xilli ciyaareed uu joogay iyadoo 35 jirkaan uu u sheegay asxaabtiisa ugu dhow dhow qolka labiska kooxda uu ku biirayo.

- Advertisement -

War xun ayay u tahay Manchester United, Manchester City iyo kooxaha kale ee Premier League ee lala xiriirinayay saxiixiisa iyadoo waayo aragaan daafaca dhexe uu go’aansaday inuu si xor ah ugu wareego Paris Saint-Germain.

Xiddiga afarta jeer ku guuleystay Champions League ayaa si lama filaan ah looga reebay xulka Spain ee ciyaaraha Qaramada Yurub laakiin uma muuqdo mid weli ciyaaraha ka fariisanaya. Sidaasi darteed wuxuu go’aansaday inuu caawiyo PSG oo u baahan xiddig u buuxiya booskii uu baneeyay Thiago Silva oo sannad ka hor ku biiray Chelsea.

War ay baahisay warbaahinta Isbaanishka ee Tiempo de Juego ayaa lagu sheegay in Ramos uu ka helay dalab Paris Saint-Germain kaasoo dhaqaale ahaan ka qaalisan dalabyada kooxaha reer Manchester. Wuxuuna u sheegay asxaabtiisa ugu dhow dhow Real Madrid inuu xilli ciyaareedka danbe ka dheeli doono horyaalka Faransiiska.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaase niyada ku dhisanaya in haddii uu burburo heshiiska Ramos iyo PSG in xiddiga reer Spain uu sheegay inuu xiiseynayo Man United marka loo eego deriskooda Man City.

Muddo dheer waxay u muuqatay in Ramos uu ugu danbeyn qandaraaska u kordhin doono Real Madrid halkaasoo uu ku noqday halyeey.

Si kastaba markii uu ka waayay qandaraaskii uu ka doonayay wuxuu go’aansaday inuu ka tago kooxdii uu u soo ciyaaray 671 kulan una dhaliyay in ka badan 100 gool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More