Joan Laporta Oo Sheegay In Dhibaatada Ay Kasii Liidato Sidii Uu
Madaxweynaha cusub ee Barcelona ee Joan Laporta ayaa qiray in dhibaatada dhinaca dhaqaale xumada ee haysata Barcelona ay aad u dran tahay, isla markaana ay kasii liidato sidii uu moodayey markii uu xilkan ku tartamayay.Laporta oo ay da’diisu tahay 58 jir ayaa noqday Madaxweynaha Barcelona markii labaad bishii March, isagoo beddelay Josep Martia Bartomeu, waxaanu markiiba bilaabay dibu-dhiska kooxda isagoo lasoo saxeexday saddex ciyaartoy oo si xor ah ay kula soo wareegeen iyo mid afraad oo ay waxyar kasoo bixiyeen.“Kooxdu…