Didier Deschamps Oo Khaati Ka Taagan Isla-weynida Kylian Mbappe
Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps waxa dhibaato ku noqotay sidii uu u maamuli lahaa Kylian Mbappe oo ay ku jirto isla-weyni sida uu sheegay laacibkii hore ee reer France ee Jerome Rothen.22 jirkan ayaan wali wax gool ah ka dhalinin tartanka qaramada Yurub ee Euro oo saddexdii kulan ee u horreeyeyba uu ciyaaray, iyadoo hal gool oo uu ka dhaliyey kulankii Germany laga diiday markii uu Offside noqday.Laacibkan ayaa ka hor intii aanu tartanku bilaabmin waxay isku dhaceen weeraryahanka kale ee Olivier Giroud oo…