Muxuu Arsene Wenger Ka Yiri Rigooradii Muranka Dhalisay Ee Ay Xulka
Tababarihii hore ee Arsenal Arsene Wenger ayaa ka hadlay rigooradii muranka dhalisay ee ay England kaga badiyeen xulka Denmark kulankii semi-finalka Euro 2020 ee ka dhacay garoonka Wembley.Raheem Sterling ayaa ku guuleystay rigoore lagu tilmaamay been abuur kulankii xalay oo ay England ku xaqiijisatay finalka.Taabasho aad u yar ayaa soo gaartay xiddiga Manchester City kaasoo isku dhex tuuray xerada ganaaxa iyadoo garsoore Danny Makkelie uu tilmaamay gool ku laad.Harry Kane ayaa qasaariyay rigoorada laakiin kubadii sooi…