Biden oo farriin lama filaan ah u direy Shacabka reer Afghan…
Washington (Axadle) – Madaxweyne Joe Biden ayaa si adag u difaacay go’aankiisa ah inuu ciidamada militariga Mareykanka ka saaro Afghanistan, isagoo sheegay in dadka reer Afghanistan ay khasab ku tahay inay ka tashadaan mustaqbalkooda, isla markaana uusan jiil kale oo Mareykan ah u diri doonin dagaalka 20-ka sano socday.
Biden oo Khamiistii ka hadlayay Aqalka Cad ayaa sheegay in militariga Afghanistan ay awood u leeyihiin in ay iska caabiyaan…