Waa Maxay Sababta Uu Talyaaniga U Aaminsan Yahay In UEFA Ay Koobka

Ka dib rigooradii muranka dhalisay ee ay England waqtigii dheeriga ahaa uga soo badiyeen xulka Denmark kulankii semi-finalka, warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegeysa in go’aankaas loogu hiiliyay Ingariiska inay aheyd mid lagu abaalmarinayay ra’isal wasaaraha Ingariiska Boris Johnson kaasoo burburiyay dhismaha horyaalkii European Super League.

Raheem Sterling ayaa rigoore ku guuleystay isagoo aan si xoog ah loo taabanin. Garsoore Danny Makkelie ayaa durbadiiba tilmaamay rigoore.

Wargeyska La Gazzetta dello Sport, iyo warbaahinta kale ee Talyaaniga ayaa tilmaamay inay rigoorada cadaalad darro aheyd islamarkaana go’aanka garsooraha uu ahaa mid ku talogal ah madaama VAR aysan soo dhexgelin.

Finalka ay England soo gaartay ayaa sidoo kale waxaa qariyay muran kale oo ka dhashay in shan ka mid ah lixdii kulan ee la ciyaaray in lagu dheelay Wembley halka kulanka kale lagu ciyaaray Rome, waxaana ciyaarta finalka lagu dheelayaa Wembley taasoo koobka Euro 2020 ka dhigeysa mid ay martigelinayaan Ingariiska.

Warbaahinta Talyaaniga waxay aaminsan yihiin in UEFA ay koobka Euro 2020 u gacangelin doonto Ingariiska kulanka finalka ee Axada madaama ay axsaan weyn u hayaan ra’isalwasaaraha UK oo cadaadis ku saaray lixda kooxood ee Ingariiska inay ka baxaan horyaalkii qalqalgeliyay UEFA ee European Super League.

Bilowgii sannadkan, isku dhexyaac weyn ayaa ka dhacay kubada cagta Yurub markii lagu dhawaaqay horyaalka European Super League oo ay qeyb ka ahaayeen lixda kooxood ee ugu waa weyn Ingariiska ee kala ah: Arsenal, Chelsea, Liverpool, Manchester City, Manchester United iyo Tottenham. Si kastaba, seddex maalmood ka dib markii horyaalka cusub lagu dhawaaqay, waxaa ka baxay kooxaha Ingariiska oo cadaadis kala kulmay taageerayaashooda.

Ra’isal wasaaraha UK Boris Johnson ayaa isagana soo dhexgalay isagoo ka soo horjeestay dhismaha European Super League islamarkaana shaaciyay inuu sameyn doono wixii awoodiisa ah ee uu ku burburin karo qorshaha horyaalka cusub taasoo ka farxisay UEFA.

Talyaaniga ayaa haatan aaminsan in UEFA ay u abaalgudeyso Boris Johnson iyagoo xulkiisa Ingariiska ka caawinaya inay markii ugu horeysay ku guuleystaan koobka Qaramada Yurub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More