Jose Mourinho Oo Digniin U Diray Xulka England Kaddib Guushii Weynayd
Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa digniin u diray xulka qaranka England kaddib markii ay xalay karbaash ku dhufteen Ukraine, una gudbeen semi-finalka Euro 2020.Xulka lagu naanayso Three Lions ayaa gaadhay semi-finalka markii u horreysay tan iyo 1996kii, iyagoo guul 4-0 ah ku gaadhay Ukraine oo ay ku wada ciyareen magaalada Rome ee waddanka Talyaaniga.Harry Kane ayaa u dhaliyey laba gool, Jordan Henderson iyo Harry Maguire ayaa iyaguna shabaqa soo taabtay, xilli uu Raheem Sterling goolal la’aan ku…