Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Ciidanka DFS & Al-Shabaab oo ku Dagaalamay Gobolka Shabeelah

Ciidamada Militariga DFS iyo Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay deegaanno u dhaxeeya Balcad iyo Basra Gobolka Shabeelaha Dhexe oo katirsan DG Hir-Shabeelle. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo katirsan Militariga DFS Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ka sameeyeen deegaanno la sheegay in ay ku sugan yihiin Al-Shabaab. Iska hor imaadka ayaa ka dhacay duulooyin hoostaga Deegaanka Basra sida Axadle ay u xaqiiyeen ilo xog ogaal ah, waxaana ka dhashay khasaare badi gaaray dhinacyada dagaalamay.…

Maxkamad qaadeysa dacwad ka dhan Rag loo heysto weerarkii

Maxkamad ku taalla Magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya waxaa maanta la horgeynayaa Saddex ruux oo loo heysto ku lug lahaanta weerarkii Al-Shabaab ku qaaday Suuqa Westgate Mall sanadkii 2013-kii. Saddexdaan ruux Waxa ay ku eedeysan yihiin caawinta kooxdii weerarka ku gashay Suuqa 21-kii September oo ka dhex dagaalameysay ilaa 24-kii bishaas gudaha Dhismaha Westgate mall. Khasaaraha ka dhashay weerarkaas waa dhimashada ugu yaraan 67-ruux oo ah dadkii suuqa u dukaameysi tagay…

“Qofkii la shaqeeya Al-Shabaab ama qariya, Maxkamad ayaan

G/Sare Sahal Cabdullaahi Cumar Taliyaha Nabadsugidda Jubbaland Taliska Ciidamada Nabad Sugidda DG Jubbaland G/Sare Sahal Cabdullaahi Cumar oo Warbaahinta la hadlay waxa uu u digay dadka la shaqeeya Al-Shabaab ee ku sugan deegaannada maamulkaas gaar ahaan Magaalada Kismaayo. Shaqsiyaadka la shaqeeya Al-Shabaab iyo kuwa u dhega nugul fulinta amarrada kasoo baxa ayuu ugu digay in ay ka joogsadeen, haddii ay ka dhega fureystaan waxa uu sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan. “Dad…

Waddooyinka qaar ee Muqdisho oo dhagaxaanta laga qaaday! –

DFS ayaa muddo kadib dhagaxaanta ka qaaday qaar kamid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana cabasho ka keenay Shacabka isticmaalka jidadka dhagaxaanta Dowladdu ku xirtay. Meelaha dhagaxaanta laga qaaday waxaa kamid ah: Qaybo kamid ah Degmada Wadajir gaar ahaan Danwadaagta & xaafado kale oo bilooyin kahor la dhigay lagu jaray isu socodka Gaadiidka. Sidoo kale Isgoysada laga qaaday dhagaxaanta waxaa kamid ah: Digfeer, Isgoysyada Tarabuunka & Sheekh Cali Suufi,…

Xeebaha Jabuuti oo laga raadinayo Tahriibayaal doon la

Xeebaha Jabuuti waxaa laga raadinayaa 12-ruux oo la socday Doon u socotay Dalka Yemen, waxaana dhimatay inta la xaqiijiyay 8-ruux oo qaarkood la sheegay in laga tuuray doontii ay la socdeen. Is qabqabsi ayaa ka dhex dhashay doonta waxyar kadib markii ay u shiraacatay safar saacado qaadanaya oo ay uga gudbayaan Biyaha Badda Cas si ay u gaaraan waddanka Yemen oo ay uga sii gudbayaan Boqortooyada Sacuudiga. Afhayeenad u hadashay Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sheegtay in dadkaan…

Isku dhac sababay dhimasho iyo dhaawac oo Turkiga ku

Sida ay tabisay warbaahinta Turkiga, isku dhac ayaa dhexmaray Labo oo Ciidan oo Soomaali iyo Turki ah kuna ku tababaranayay Xero Ciidan oo ku taalla Gudaha Dalkaas, kadib markii ay isku dhaceen. Inta la xaqiijiyay waxaa dhimatay 25-ruux oo labada dhinac ah, kadib markii waxyeelo halis ah kasoo gaartay waxyaabaha ay isu adeegsadeen inta uu socday dagaalkooda sida ay tabisay Warbaahinta. Dhaawaca lama soo sheegin inta uu gaasiisan yahay waxaase jira shaqsiyaad dhaawacyo halis ah…

Bangiga dhexe  ma ku guuleysan karaa in uu ka badbaadiyo

Suuqa ganacsiga Bangiyada & xawilaadda ama diridda lacagta (Money Transfer Businesses (MTBs) ee Soomaaliya waxa ka furan ganacsi xoog leh oo saameyn toos ah kuleh dhaqaalaha Soomaaliya, sidaas awgeed Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa diiwaangeliyey islamaraakaana siiyey Ruqsadda howlgelidda 13 Bangi oo u badan bangiyo ganacsi oo gaar loo leeyahay. Bangiga dhexe ayaa shaaciyey in Bangiyada qaatay ruqsadda shaqada iyo howlgalka ay qaarkood shaqo billaabeen halka qaarkalana…

Farmaajo & Khayre oo ku kula sugan Jabuuti iyo Eritrea, waa

Madaxweyne Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, Hogaamiyaha oo soo dhoweyn heersare loo sameeyay ayaa Qasriga Madaxtooyada waxaa ku qaabilay Madaxweyne Isaias Afwerki, iyadoo labada Madaxweyne ka wada hadleen horumarka xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Hogaamiyaha Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay socdaal uu ku tagay dalka koonfurta Suudaan halkaas oo uu uga qeyb galay munaasabadda…

Qadar oo sheegtay in ay Soomaaliya ka taageerayso dhismaha

Wakiilka joogtada ah ee Qatar u fadhiya Xafiiska UN-ka ee Geneva Danjire Ali bin Khalfan Al Mansouri. Dowladda Qatar ayaa sheegtay in ay dib u cusbooneysiisay taageeradeeda Soomaaliya si ay u bixiso taageerada lagama maarmaanka ah wadanka ayna gacan uga geysato dhismaha dowladnimada, hay’adaha iyo ku dhaqanka sharciga, kaas oo xaqiijinaya in Soomaalida ay helaan dhammaan xuquuqdooda iyadoo la tixgelinayo madaxbannaanida, midnimada umadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya. Wakiilka…

QM oo walaac ka muujisay Xuquuqul Insaanka Soomaaliya & DFS

Isha Dyfan oo katirsan Baarayaasha gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay u hoggaansamidda xeerarka xuquuqul insaanka Soomaaliya, waqi dalka ay kusoo wajahan tahay doorashada 20/21. Waxa ay sheegtay in khubaro madax bannaan ay la wadaageen xaaladda xuquuqda aadanaha oo aan gaarsiiseen darjo sare oo ah meesha loo baahan yahay in la geeyo heerka xuquuqul insaanka Soomaaliya. Isha Dyfan ayaa xilkaan loo magacaabay Bishii Maarso, kadib markii dunida uu isaga kala…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More