Madaxweyne Farmaajo oo Villa Somalia ku qaatey tallaalka Covid-19.

Hogaamiyaha Soomaaliya ee waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaatay tallaalka COVID-19, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada.

Hogaamiye Farmaajo ayaa seegay daah furka ololihii talaalka ee Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho waxaana daah furay ku simaha Wasiirka Caafimaadka Fowzia Abiikar Nuur.

“Masuuliyad adag ayaa naga saran in aan daryeelo muwaadiniinteena si aan uga hortagno faafida cudurkan faafa.” Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in aan sameyno wax walba oo aan uga hortagi karno cudurkan anagoo xoojineyna adeegyadeena tayada iyo daryeelka. “ Sade Hogaamiye Farmaajo.

Halkan ka aqriso qoraalka Hogaamiyaha.

Hogaamiyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaatay tallaalka COVID-19, ayaa mar kale xaqiijiyey sida ay nooga go’an tahay shacabka iyo dowladda in aan badbaadino caafimaadka iyo nolosha dalkeenna.

Hogaamiyaha ayaa mar kale ku celiyey walaaca uu ka qabo in dadka Soomaaliyeed ay ka feejigan yihiin cudurkan iyo halista sii kordheysa, iyadoo la fududeynayo talooyinka caafimaadka iyo tilmaamaha lagu ilaalinayo.

“Masuuliyad adag ayaa naga saran in aan daryeelo muwaadiniinteena si aan uga hortagno faafida cudurkan faafa. Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in aan sameyno wax walba oo aan uga hortagi karno cudurkaan anaga oo xoojinayna tayada adeegyadeena iyo daryeelka.

Hogaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Wasaaradda Caafimaadka, dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha caafimaadka, bixiyeyaasha adeegga iyo guud ahaan bahda caafimaadka dadaalka hagar la’aaneed ee ay ugu jiraan xaqiijinta caafimaadka dadka Soomaaliyeed iyo ka shaqeynta duruufaha adag.

Hogaamiyaha ayaa ku amaanay Dowladda uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble dadaalka ay ugu jirto inay dalkeena keento talaalka COVID-19 wuxuuna carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay wada shaqeyn xoogan oo dhexmarta Guddiga Federaalka ee Xakamaynta COVID-19 iyo Guddiyada Dawlad Goboleedyada, kuwaas oo waa aasaaska baahinta adeegyada daryeelka si wax looga qabto cudurkan faafa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More