Wasiir sare oo ka socda dowladda Zambia oo soo gaaray Hargeysa + Ujeedka

Hargeysa (Axadle) – Wafdia ka socda dalka Zambia ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee Axadle Somaliland, halkaasi oo si weyn ugu soo dhaweeyey wasiir ku-xigeenka ahna kusimaha wasiirka arrimaha dibadd Somaliland.

Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka wasaaradda cadaaladda dalka Zambia, Gavin Lubinda, waxayna saacadaha soo socda kulamo kala duwan ay la qaatan madaxda u sareysa ee xukuumadda Somaliland.

Sida ay ogaatay Axadle, wafdigaan ka socda dalka Zambia ayaa waxay mas’uuliyiinta Somaliland oo uu ugu horeeyo madaxweyne Muuse Biixi kala hadli doona xiriirka labada dhinac, waxaana lagu wadaa in labada dhinac ay wada saxiixdaan iskaashi dhanka garsoorka ah.

Somaliland oo ayada ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Jamhuuriyada ayaa sanadihii u dambeeyay waxay heshiisyo iskaashi la galeysa dalalka Afrika, waxaana muddooyinkii dambe caasimadeeda gaarayey wafuud caalami ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More