Qaramada Midoobay oo war cusub kasoo saartay shirka Afisyoone

- Advertisement -

Muqdisho (Axadle) – Qoraal ka soo baxay xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay wada-hadallada ka socda magaalada Muqdisho ee u dhexeeya dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay dhiira-gelisay joogitaanka dhammaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee shirka horudhac u ah shirka wada-tashiga ee 3-dii ilaa 4-tii April ka dhacay Muqdisho

QM ayaa sidoo kale ku boorisay dhinacyada ku shirsan Afisyoone inay xal ka gaaraan caqabadaha hortaagan qabsoomida doorashooyinka dalka ee 2021-ka, ayada oo xustay inay fahamsan tahay in wada-hadalladu ay sii socon doonaan inta xal looga gaarayo muranka hareeyey doorashooyinka Soomaaliya.

“Waxaan fahamsanahay inay madaxda qorsheynayaan sii wadida wada-hadalkooda, waxaana ku boorineynaa inay heshiis ku gaaraan wada-hadalladooda muhiimka ah,” ayaa lagu yiri warka kooban ee kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo shir ay soo qaban qaabisay beesha caalamka uu Muqdisho uga socdo madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More