Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Çavuşoğlu: Armenia Cawaaqib Xumo ayey la kulmi doontaa hadii ay jebiso heshiiskii nabada

Armenia waxay la kulmi doonta cawaaqib xumo hadii aysan u hogaansamin shuruudaha xabad joojinta, Wasiirka Arimaha Dibada Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa sheegay Khamiistii. Isaga oo cadeeyay in raiisel wasaaraha Armenia Nikol Pashinian uu saxiixay heshiiska, Çavuşoğlu ayaa wariyeyaasha ugu sheegay Magaladda Baku. Heshiiskan la saxiixay waa in loo hogaasama isla markaana Armenia ay la kulmi doonta cawaaqib xun hadii ay jabiso heshiiska. "Azerbaijan waxay taageersan tahay in xal nabadeed la helo laakiin hadii Armenia ku…

Muxuu yahay Nuxurka heshiiska ay kale saxiixdeen Xukumadda

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa shir guddoomiyay kulan ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Xukuumadda iyo Midowga Yurub ee fadhigoodu yahay magaaladda Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo diblomaasiyiinta reer Yurub, ee fadhigoodu yahay Xarunta Xalane waxaana diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka dalka, dib-u-habeynta dhaqan dhaqaale iyo is bedelada siyaasadeed. Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa qoraal uu…

Maxaa khasaaro ah oo ka soo kordhay weerarkii Al Shabaab ku

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan qarax ka dhacay guri uu ka degen yahay magaalada Kismaayo Wasiirka Deegaanka iyo Dalxiiska Maamulka Jubaland Caydiid Saleebaan Xaashi. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay qol ka mid ah qolalka guriga wasiirka waxaana ku dhintey saddex askari oo la sheegay in ay ahaayeen ilaalada wasiirka. Wasiirka deegaanka iyo dalxiisa Jubbaland oo aan waxba ka soo gaarin qaraxan ayaa warbaahinta u sheegay inuu caafimaad qabo oo Alle ka…

Giriiga iyo Masar oo Biden la kaashanaya talaabo ka dhan ah

Giriigga iyo Masar ayaa kala saxiixday heshiis badeed bishii Ogast ee soohdinta xuduudaha badda ee labada dal iyo dejinta aagag dhaqaale oo gaar ah Raysul wasaaraha Giriigga Kyriakos Mitsotakis ayaa sheegay inuu rajaynayo  in madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden uu door firfircoon ka ciyaaro isku dayga lagu dajiyo xiisadaha sii kordhaya ee bariga Mediterranean. “Waxaan haysannaa sabab kasta oo aan ku soo dhoweyno, annaga iyo dhammaan la-hawlgalayaashayada gobolka, ku soo…

Hogaamiye Farmaajo, Laftagereen, Xasan Sheekh & Sheekh

Cali Guudlaawe Xuseen iyo Yusuf Axmed Hagar Dabageed oo loo dhiiriyo xilka madaxweynaha iyo ku xigeenka Hirshabeelle. Hogaamiyaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo hogaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen iyo Xisbiyadda mucaaradka ah ee UPD iyo Himilo Qaran ayaa u hambalyeeyay Hogaamiyaha iyo Hogaamiye Kuxigeenka cusub ee Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Yuusuf Axmed Hagar oo maanta ku soo baxay codayn ka dhacday xarunta gobolka…

Yuusuf Dabageed oo loo doortay Hogaamiye ku xigeenka DG

Waxaa soo idlaatay doorashada Hogaamiye ku xigeenka DG Hir-Shabeelle oo ay u tartameen Yuusuf Axmed Hagar Dabageed & Maxamed Maxamuud Cabdulle (Maxamed Dheere) oo horay ula soo shaqeeyay Maamulkii Maxamed Cabdi Waare. Sida lasii saadaalinayay waa uu ku guuleystay Xilka Hogaamiye ku xigeenka DG Hir-Shabeelle kadib markii uu helay 87-Cod, halka musharax Maxamed Dheere uu hantiyay 12-cod, isugu geyn waa 99-xildhibaan, mana jirin cod halaabay. Yuusuf Dabageed oo hadal jeediyay…

Cali Guudlaawe oo noqday Madaxweynihii Saddexaad ee DG

Magaalada Jowhar waxaa maanta ka dhacday doorasho in badan lasii saadaaliyay, waxaana ku xilka madaxweynaha DG Hir-Shabeelle u tartamay Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe & Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan. 99-Xildhibaan oo fadhiga xaadirtay ayaa codeysay, tiring kadib, Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee DG Hir-Shabelle Cabdirakiin Luqmaan Maxamed. Cali Guudlaawe Xuseen ayaa helay 86-Cod, halka Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan uu helay 13-Cod, isu geyn dhammaan codadkaas waa…

Doorashada Madaxweynihii Saddexaad ee Hir-Shabeelle oo

Magaalada Jowhar oo aad loo adkeeyay ammaankeeda waxaa goordhaw ka bilaabatay doorashada Hogaamiyaha DG Hir-Shabeelle oo ay u tartamayaan Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe & Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan. Cali Guudlaawe oo afartii sano uu dhisnaa maamulkaas ahaa Hogaamiye ku xigeen ayaa lasoo shaqeeyay Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynihii ugu horeeyay ee Hir-Shabeelle & Maxamed Cabdi Waare oo dhameystiray muddo xileedka Dowlad Goboleedkaas. Waxaa ku lamaanan…

Eretareeya oo iska fogeysay ku lug lahaanta dagaalka

War kasoo baxay Dowladda Eretareeya ayaa looga hadlay eedeyn la xiriirta in Askarta Xukuumadda Asmara ay qayb ka qaateen dagaalka ka dhacay Gobolka Tigray ee dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Itoobiya & ismaamulkaas. Warbaahinta Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Militariga Xukuumadda Addis Ababa ay dileen 550 kamid ah dagaalan yahanno difaacayay TPLF laguna toogtay gobolka Tigray ee waqooyiga dhaca. Khasaaraha intaas wuu ka badan yahay sida ay tebisay Warbaahinta…

Maamulka Gobolka Banaadir oo gacan ka taagay wax ka

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qirtay in uusan awoodin sameynta Biyo mareeno laga gudbiyo Xareedda roobka da’aya si aysan u fadhiisan waddooyinka Magaalada Muqdisho oo qaarkood socodkoodu go’ay. War kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dhaqaale gaaraya $300 Milyan (Saddex boqol oo milyan oo dollar) uu ku baxayo mashruuca lagu hirgelinayo biyo mareeno casri ah. “9-kii Bilood ee lasoo dhaafay waxaa Caasimadda ka da’ay roobab saameyn ku yeeshay Muqdisho,…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More