Wariyeyaal ka tirsan BBC oo shaqada laga joojiyay oo u dacwo…
Nairobi (Axadle) – Sida uu qoray wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalda Nairobi, laba kamid ah wariyeyaasha ka howlgala laanta af Soomaaliga ee BBC-da oo xaruntoodu tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maxkamad ku taalla dalkaasi u gudbiyay dacwad ka dhan ah xafiiska BBC
Maamulka idaacadda BBC-da ayaa shaqada ka joojiyay wariyeyaasha Maxamuud Cali Maxamed iyo Bashiir Maxamed kadib markii lagu eedeeyay in ay tifatirahooda laanta Af-Soomaaliga Muxiyadiin Axmed Rooble u adeegsadeen dembi baarayaal madaxbannaan.
Labada wariye ayaa dacwadda ay gudbiyeen ku xusay in xafiiska BBC-da ee Nairobi uu ku xadgudbay xuuqdooda muwaadinnimo, iyaga oo dalbaday in shaqadooda dib lagu celiyo.
Wargeyska oo warbixintaan ka saaray bariisa Internet-ka saacado kadib markii uu daabacay ayaa la aaminsan yahay in uu cadaadis kala kulmay dhanka maamulka BBC, waloow aan si rasmi ah loo ogeyn mas’uulliyiinta arrinkaan ku lugta leh.
Xarunta ugu weyn ee Idaacadda iyo Telefishinka BBC ku leeyihiin Afrika ayaa ah xafiiska Nairobi iyada oo dhowaan loosoo wareejiyay idaacado ay kamid tahay laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da.