Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

NGO Talyaani ah oo Soomaaliya uga baxay sababo la xiriira

INTERSOS, oo ah hay’ad samafal oo ay maalgelin ka hesha Qaramada Midoobay isla markaana daryeel caafimaad iyo adeegyo kaleba u fidisa boqolaal kun oo Soomaali ah, ayaa ka baxaysa dalka ka dib markii ay baaris lagu sameeyay lagu helay musuq maasuq badan xafiisyadeeda Soomaaliya. Wareysi uu bixiyay  Agaasimaha Guud ee INTERSOS, Kostas Moschochoritis waxa uu ku yiri “waa go’aan adag” oo la gaarey ka dib “dood weyn” oo la yeeshay NGO-ga. “Waxaan ogaanay inaanan hagaajin karin,”…

Abiy oo beeniyay in qarankiisu ‘Fowdo’ lugaha lagalay, halka

Hogaamiyaha ku guulaystay Abaalmarinta Nobel Peace Prize ee Ethiopia ayaa sheegay in qarankiisu uusan ku socon wado “fowdo”ah  inkasta oo guluf militari oo ka dhan ah gobolka Tigreega uu dalkaasi ka socdo, halkaas oo laga soo  wariyay weeraro cirka iyo dagaalo lagu dilay ugu yaraan lix qof maalmihii la soo dhaafay. Isqab qabsiga ka taagan gobolka waqooyi ee xadka la leh Ereteriya iyo Suudaan ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo dagaal sokeeye oo ka dhaca waddanka labaad ee ugu…

Kenya oo Damacsan in dhaqaale ay ka sameyso Soomaalida u

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Kenya Macharia Kamau ayaa ka hadlay damaca Kenya ee ah in ay dhaqaale ka sameeyaan Soomaalida sanad waliba u dalxiis tagta dalkaas & loolanka xooggan oo ay la galayaan Dowlado kala duwan. Waxa uu sheegay in sanad waliba Dal ku galka Kenya ay siiyaan 32,268-ruux oo dalxiis ahaan u tago waddankaas, balse qorshahooda uu yahay in ay kordhiyaan tiradaan, habka ugu fududna uu yahay in aan la adkeyn Fiisaha dalkaas. Waxa uu tilmaamay in ay jiraan Dowlado…

Hay’adda WFP oo Deked macmal ah ka hirgelineysa Hobyo! –

Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug waxaa maanta tagay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Dekedaha & kalluumeysiga DG Galmudug, waxaana qayb ka ahaa Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka socotay Hay’adda Cunnada u qaabilsan QM ee WFP. Ujeedka safarka wufuuddaan gaartay Hobyo ah ayaa ah in ay dhagax dhigaan Deked macmal ah oo dhaqaalaha ku baxayo ay bixineyso Hay’adda Cunnada Qaramada Midoobay wakiilka uga ah ee WFP. Heshiiskaan ayaa lagu saxiixay Magaalada…

Turkiga Ayaa Qabtey xubnood ka tirsan Daesh oo rabay in ay weeraran Saldhiga Incirlik

Booliska Turkiga waxay soo qabqabteen ku dhawaad 36 xubnood oo looga shakisanyahay inay ka tirsan yihiin Daesh, kuwaas oo ay ku jiraan qaar qorsheynayay inay afduubtaan xildhibaano iyo aqoon yahano isla markaana weeraraan Saldhigga Cirka ee Incirlik, howlgalada argagixiso la dirirka ee ka socda gobolada Istambul iyo Adana. Sida lagu sheegay bayaanka booliska, howlgalada waxaa loo fulinayey in lagu soo qabto tuhmanayaasha argagixisada Daacish oo lala xiriirinayo inay xiriir la leeyihiin kooxda argagixisada ee ka hawlgasha…

Al-Shabaab oo sheegatay in ay weerartay Saldhigyo Ciidanka

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar ay u adeegsatay Hoobiyaal & qoryaha fud-fudud in ay ay ku qaaday saldhigyo Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Deegaannada kala ah Hoosinogw, Taabto & Degmada Afmadow. Weerarkaan ayaa dhacay xalay saq dhexe sida Al-Shabaab sheegatayy, waxa uu socday muddo daqiiqado ah, mana soo bandhigin waxyeelo dhankooda gaartay & khasaare ay gaarsiiyeen Ciidamada Kenya. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa daabacday in weerarka oo ka bilawday Hoobiyaal lagu…

DFS oo sheegtay in ay dishay sarkaal Al-Shabaab u qaabilsan

DFS ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka ee DANAB lagu dilay sarkaal Al-Shabaab u qaabilsan qaybta Jabhadaha iyo lex kale oo la socotay. Si gaar ah howlgalkaan waxa uu uga dhacay Gobolka Jubada Dhexe gaar ahaan Deegaanka Carabow oo qiyaastii 50-KM u jira Degmada Bu’aale, waxaana inta badan Gobolkaan gacanta ku heysa Al-Shabaab. Xasan Sufyaan Qoorey waa magaca sarkaalka DFS ay sheegtay in ay ku dishay howlgalka ka dhacay Gobolka…

Baardheere oo lagu xiray dad lagu tuhmayo weerar lagu

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo waxaa ka dhacay howlgal ay sameeyeen Ciidamada ammaanka DFS ay geysay Degmadaas, kadib markii la dhaawacay Hanti dhowraha Magaaladaas Cabdirashiid Cabdulqaadir Warsame. Ninkaan ayaa la weeraray xili uu ku sugnaa Bartamaha Magaalada, dhaawac ayaa soo gaaray, waxaana la geeyay mid kamid ah Goobaha Caafimaadka ee ku yaalla Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo si loo daweeyo. Kooxda weerarka fulisay ayaa baxsatay kahor inta aysan goobta tagin…

Degmada Warsheekh oo Lagu weeraray Haween & Carruur! –

Tuulada Rayla-weyne Degmada Warsheekh Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ka dhacay weerar ay geysatay maleeshiyo hubeysan, waxaana ku dhintay Haweeney Umul ah & labo carruur ah, halka ay dhaawacmeen labo ruux oo kale. Dhammaan dadkaan waa isku qoys sida Axadle uu u sheegay mid kamid ah ehelka Reerka lagu weeraray hoygooda, waxaana uu sheegay in ay baxsatay kooxdii falkaas geysatay, isla markaana aysan jirin cid ka socota maamulka oo u tagtay. “Dhacdo aad u foolxun ayaa ka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More