Browsing Category
Somalia
Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.
Xildhibaanadda labada golle oo meelmariyay heshiiskii
Fadhiga golaha shacabka
Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa meelmariyay heshiiska Doorashada ee ay ku heshiiyeen madaxda Dowladda Faderaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
252 Xildhibaan ayaa oggolaatay Sharciga doorashada 2020/2021, kaasi oo maanta la horgeeyay kulan wadajir ah oo ay yeesheen xildhibaanada BFS.
Waxaa diiday Labo Xildhibaan, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha Shacabka BFS, Maxamed Mursal…
Hubkii Ahlusunna oo la isku haysto & Haramcad oo lageeyay
Wararka ka imaanaya magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa sheegaya in la isku haysto hub ay lehayd Ahlusunna gaar ahaan Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo lagala baxay xarunta madaxtooyada Dowlad-goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.
Axadle ayaa ogaatay in hubkii uu lahaa Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo laga soo saaray Xarunta Inji ka dib markii dagaal looga saaray xaruntaasi February 29, 2020 hoggaankii Ahlusunna, kuna xaraynaa Xarunta madaxtooyada Galmudug uu la baxay taliyaha guutada 15 aad ee…
Taliska ciidanka Xoogga dalka oo sheegay in ay 40 caruur ah
Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in ay howgal ay ka sameeyeen Tuulada Nuunaay oo hoostagta deegaanka Bariire gobolka Shabeellaha hoose ay ku soo furteen 40 caruur oo ay sheegeen in Al Shabaab ay u tababarayeen qaraxyada.
Ururka 143-aad ee guutada 14 October ayaa howlgal ka dhan ah Al Shabaab ka sameeyay saacadihii lasoo dhaafay tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose sida ay daabacday warbaahinta Dowladda.
Tuulada Nuunaay oo hoostagta Bariire…
Dibadbax sababay isku dhaca Ciidamada Kenya & DFS oo
Dad ka careysan dil Ciidamada Kenya ay u geysteen dad shacab ah oo maalintii labaad dibadbax kawada Degmada Baladxaawo ayaa u dhawaaday Saldhig Ciidamada Kenya ee ilaaliya soohdinta Kenya calaadameysatay.
Militariga Kenya ayaa rasaas ku furay dadkii dibadbaxa sameynayay ee dhanka Baladxaawo ka tallaabay, waxaana ka dhashay rabsho sababtay in Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa Kenya ay isku dhacaan.
Muddo kooban waxaa israaseynayay Ciidamada Dowladda ee ku sugan…
Saraakiil lagu soo tababaray Turkiga oo Muqdisho la keenay &
Diyaarad Militari oo sidday in ka badan 300-Askar iyo saraakiil Ciidan kana tirsan gorgor gaar ahaan ururka 5-aad ayaa soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka, Sii hayaha Wasiirka Gaashaandhigga XFS Xildhibaan Xasan Cali Maxamed Amar dambe, saraakiil katirsan Dowladda Turkiga iyo kuwo kale oo Soomaali ah ayaa soo dhaweeyay Askarta iyo Saraakiisha hoggaamineysa ee tababarka lasoo qaatay.
Gen. Odawaa Yuusuf Raage…
Kenya waxa ay raadineysaa 3-ruux oo Al-Shabaab Gaari kala
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in koox hubeysan oo ay u maleyneyso in ay katirsan Al-Shabaab ay afduubatay Saddex ruux oo aan Muslim ahayn oo kamid ah Rakaab saarnaa Gaari marayay Magaalada Mandheera.
Kooxdaan ayaa joojisay Gaarigaan oo qiyaastii u jiray Magaalada Lafey, rakaabka ayaa mid mid loo waji fiiriyay, waxaana baska saarnaa dad gaaraya 54-ruux, balse saddex kamid ah dadkii saarnaa ayay la degtay Kooxda loo maleynayo Al-Shabaab.
Taliyaha Booliiska Gobolka oo lagu…
Xeebaha Liibiya waxaa laga raadinayaa Tahriibayaal Soomaali
Hay’adda Socdaalka Adduunka ee (IOM) ayaa sheegtay in Jimcihii ay rogmatay doon ay la socdeen tahriibayaal ka tagay Xeebaha Dalka Liibiya, waxaana la xaqiijiyay Geerida 3-ruux, halka raq iyo ruux lagu waayay 13-kale.
IOM ayaa sheegtay in doontaan oo ka tagtay Xeebaha Liibiya ay afka gelisay Badda Mediterranean-ka, dadaal lagu raadinayo nolol ama geeri dadka dadkaan ayaa ka socda xeebaha dalkaan dhaca Waqooyiga Afrika.
Kalluumeysato Liibiyaan ah ayaa oo wadatay Doon ayaa…
Lafta gareen & Deni oo ku heshiiyay Amniga, Iskaashiga & Is
Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa labadii cishe ee lasoo dhaafay Magaalada Baydhabo u joogay wada-xaajood gaar ah oo uu la qaatay dhiggiisa Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen.
Munaabad lagu soo sagootinayay oo xalay ka dhacday Magaalada Baydhabo waxa ay ku kala saxiixdeen heshiisyo labada maamul Goboleed ay wada gaareen, kadib wada-xaajodkii dhexmaray.
DG Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa ku heshiiyay…
Jowhar oo lagu xiray Shaqsiyaad lala xiriiriyay Amni darro.
Ciidamada ammaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa howlgalo lagu baarayo Gaadiidka iyo dadka la socda waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Jowhar oo xarun u ah maamulkaas.
Dad u badan dhalinyaro oo ay hay’adaha ammaanka ku tuhmeen in ay katirsan yihiin Al-Shabaab iyo dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Jowhar ayay kusoo qabteen baaristooda.
Qaarkood waala sii daayay, halka shaqsiyaadka kale ay la aadeen saldhigyada ay ku leeyihiin Magaalada Jowhar oo xarun u…
BFS oo maanta cod gelinaya heshiis Siyaasadeed laga gaaray
Labada Gole ee BFS ayaa maanta oo Sabti ah waxa ay kulan wadajir ah ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, waxaana la horgeynayaa heshiiska dhexmaray Madaxweyne Farmaajo, Madaxda DG iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Xildhibaannada iyo Senatarada waxaa loo diray fariinta ajendaha kulanka maanta, waxaana la horgeynayaa heshiiska siyaasadeed oo qodobada ugu weyn ay tahay doorashada dalka, nuuca ay noqoneyso, ergada kursiga xildhibaanka dooraneyso iyo meelaha loo cayimay.
Halkii kursi…