Madaxweyne goboleedkii u horeeyay oo gaaray Muqdisho iyo war…

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray Caasimadda Muqdisho ee Axadle dalka.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa u yimid Caasimadda Muqdisho si uu uga qeyb-galo shirka uu dhawaan iclaamiyey ra’iisal wasaare Rooble, kaasi oo ay madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran ka yeelanayaan dar-dar gelinta doorashada.

Lafta-gareen ayaa noqonaya madaxweyne goboleedkii u horeeyay ee soo gaara Muqdisho, xili ay maalin keliya ka harsan tahay shirka uu Golaha iskugu yeeray ra’iisal wasaare Rooble, kaasi oo la iskaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May.

Shirka oo la qorsheeyey inuu furmo maalinta berri ah, ayaa waxa soo baxaya warar sheegaya inuu dib u dhici karo illaa maalinta Isniinta ah, maadaama madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood ay dalka ka maqan-yihiin.

Sida ay ogaatay Axadle, shirka uu yeelanayo Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa waxaa lagu meel-marin doona wax ka bedel lagu sameynayo jadwalkii hore ee doorashada iyo qoddobo kamid ah heshiiskii ay hore u gaareen dhinacyadu.

Si kastaba, Waxaa lagu wadaa inay soo gaaraan Axadle dalka Madaxda kale ee dowlad goboleedyada, si ay uga qeyb galaan shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee markale Muqdisho uga furmaya ra’iisal wasaaraha iyo dowlad goboleedyada oo uu qeyb ka yahay gobolka Banaadir.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More