Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Howlgal ka dhacay Gobolka Gedo oo lagu qabtay Dad lagu

Hay’adaha ammaanka DFS ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay Degmooyin dhowr ah oo katirsan Gobolka Gedo si ay uga jawaabaan weeraro habeennadii lasoo dhaafay ka dhacay Gobolkaas. Askarta ayaa si gaar ah uga howlgashay Deegaanno hoostaga Degmada Luuq ee Gobolka Gedo oo ay kasoo qabteen dad ay ku tuhmayaan in ay qayb ka yihiin Al-Shabaab, isla markaana baaris ay ku hayaan. Taliyaha Nabadsugida Degmada Luuq ee Gobolka Gedo Muqtar Maxamed Xasan ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu…

RW Rooble oo Dhuusamareeb ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo

Raysul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Magaalada Dhuusamareeb Ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo Hogaamiyayaasha DG Galmudug, Hoggaanka dhaqanka & Ururada Bulshada rayidka. Waxa uu u bandhigayaa qorshaha doorashada 20/21 iyo qodobo kale, halka dhankooda uu ka dhageysanayo aragtida sida ay la tahay in lagu wajahi karo sidaas waxaa Axadle u xaqiijiyay ilo xog ogaal ah. Inkasta oo uusan culeys siyaasadeed kala kulmi Karin DG Galmudug sabab la…

Ciidamada DFS oo saakay xiray Qaybo kamid ah Waddooyinka

Sawir hore Ciidamada ammaanka DFS ayaa saakay qaybo kamid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana lagu arkayaa ciidamo dheeraad ah oo la sheegay in xalay xili dambe ay geysay Dowladda. Dadka ayaa lugeynaya (Cagahooda maalaya), maadaama waddooyinka qaar loo diiday in ay maraan Gaadiidka Dadweynaha, xitaa waxa ay Askarta diideen Gawaarida yar yar ay wataan shaqsiyaadka aqoonsiga heysta. Inkasta oo aysan jirin hadal kasoo baxay Dowladdu Federaalka oo ay uga hadleyso sababta…

DFS oo xiriirka u jartay Kenya, iyada oo 7-cishe u qabatay

MW Farmaajo & MW Uhuru- Nairobi-Kenya Dawladda Soomaaliya ayaa xalay saq dhexe ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay Kenya kadib markii ay ku xad-gudubtay madax bannaanida Dalka, isla markaana aan gor-gortan laga geli Karin. Wasiirka Warfaafinta XFS Cismaan Abuukar Dubbe oo Warbaahinta Dowladda ka aqriyay go’aanka kasoo baxay Dowladda ayaa sheegay in aysan aqbali Karin xad-gudubka joogtada ah ee Kenya ay ku dhaqaaqeyso. DFS ayaa u yeeratay Diblumaasiyiinteeda joogta Kenya,…

Khayre & Guuleed oo Dooxa Ku yeeshay Kulamo Qarsoodi ah –

Musharaxiinta Xasan Cali Khayre iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa kulan qarsoodi ah kula yeeshay magaalada Dooxa ee dalka Qatar saraakiil sar sare oo sirdoon ah Axaddii 13ka disember 2020. Axadle Media oo daalacatay faahfaahinta safarka ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya ahna musharrax madaxweyne oo ka soo kicitimay Moscow ayaa Dooxa ka soo dagay, inkasta oo la filayay in uu dib ugh laban doono Istanbul oo uu markii hore ka billaabay safarkiisa qarsoodiga ahaa. Cabdikiriin…

Muxuu yahay u jeedka socdaalka Rooble galabta ku gaaray

Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Hogaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkiisa. Raysul Wasaare Rooble ayaa la filayaa inuu safar dhinaca dhulka ah ku tago Gaalkacyo, waxaana ka hor inta aanu aadin Gaalkacyo uu xarigga ka jari doonaa Xarunta cusub ee Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb iyo dhismayaasha Xarumaha Wasaaraddaha…

Maxay kawada hadleen Hogaamiyaha Kenya & Muuse Biixi? –

Magaalada Nairobi waxaa ku kulmay Hogaamiyaha Kenya Uhuru Kenyatta & Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi oo shalay gaaray Magaaladaas, si ay uga wada hadlaan arrimo dhowr ah. Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Gobaladda Waqooyi ayaa lagu sheegay in qodobada labada dhinac ay kawada xaajoodeyn ay kala yihiin: Danaha Kenya & Gobaladda Waqooyi, in kulan kale ay yeeshaan Berri oo Talaado ah 15-ka December 2020 & dhammeystirka qodobo qabyo u ah. Wafdiga…

RW Rooble oo Garoowe ka baxaya isaga oo aan guul ka gaarin

Raysul wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo Magaalada Garoowe tagay 11-kii December 2020 kuna beegan Jimcihii ayaa ku guuldareystay ka gungaaridda go’aamada Siyaasadeed eek u dhaliyay safarkiisa. Rooble oo damacsanaa in Hogaamiye Siciid Cabdullaahi Deni uu kasoo dabciyo halka uu ka istaagay soo xulista guddiga Doorashada 20/21 ku metalaya Puntland si loo dhaqangeliyo heshiiska hogaamiyayaasha heer Federaal & heer Dowlad Goboleedyada ee 1-da October 2020. Raysul Wasaaraha…

Ciidamada AMISOM oo Dad rayid ah ku toogtay Magaalada

Sawir hore Ciidamada Burunid ee howlgalka AMISOM Ciidamada Burundi ee Soomaaliya ku jooga howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa qarax saakay loo dhigay Xaafadda Jamhuuriya Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, waxaana gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac. Askarta ayaa qaraxa kadib furtay rasaas dhowr xaafado kala duwan gaartay, waxaana dhintay in la xaqiijiyay 5-ruux, halka dhaawac uu gaaray 9-kale, dhammaantood waa shacab sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan. Qaar kamid…

“Soomaaliya waxa ay muhiim u tahay Madasha Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuryadda Shacabka Shiinaha ee Qin Jian oo Wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Dowladda ayaa ka hadlay xiriirka Xukuumadaha Muqdisho & Beijing, heerarka kala wan uu soo maray iyo muhiimadda maalgashiga Afrika. Qian Jian ayaa sheegay in Soomaaliya ay kamid tahay Saaaxiibada ugu wanaagsan ee  Qaaradda Afrika, Shirka Shiinaha ee maalgashiga waxa ay lasoo shir-tagtay fursado la maalgashhan karo oo aad usoo jiitay. “Soomaaliya waxa ay muhiim u tahay maalgashiga…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More