Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Kenya oo qaaday tallaabo cusub oo SOOMAALIYA ku wajahan kadi…

Nairobi (Axadle) – Kenya iyo Soomaaliya ayaa billaabay safar cuusb oo ay dib ugu dhisayaan xiriirkooda kadib bilo ay u dhaxeysay xiisad diblomaasiyadeed oo xooggan.  Soomaaliya ayaa dhammaadkii 2020 xiriirka diblomaasi u jartay Kenya, ayada oo ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha, islamarkaana ay dhaawaceyso madax-banaanida dalka. Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya Ambassador Macharia Kamau ayaa shalay la…

Haweeney Macalin Dugsi Qur’aan oo qabay caawa ku sumeysay Be…

Muqdisho (Axadle)- Cumar Macalin Muxumed oo ahaa Macalin Dugsi Qur’aan ayaa caawa u geeriyooday Sun ay siisay xaaskiisa, sida ay Axadle u xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyska marxuumka. Arrintaan ayaa ka dhacday xaafadda Xaawo-taako ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Xubno ka tirsan ehellada marxuumka ayaa noo sheegay in Macalin Cumar uu dhawaan guursaday haweeneyda…

Daawo: Dhaqaatiir ka dhoofi rabay baasaboorka Gobaladda Waqooyi oo …

Hargeysa (Axadle) – Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Caasimadda Muqdisho lagu xiray laba dhakhtar oo ka howlgaleysay isbitaalka Dr. Adna Aadan ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo tiransid ku ahaa Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Dhakhaatiirtaan ayaa ku dhoofiyey baasaboorka Gobaladda Waqooyi, waxaana la sheegay in looga jeex- jeexay garoonka Muqdisho, dibna loogu celiyey magaalada Hargeysa. Dr. Adna Aadan oo madax ka ah isbitaalka ay ka howl-gelayeen dhakhaatiirtaan ayaa sheegtay mudo seddax…

Xog: Nin Imaaraati ah oo markab siday shixnad dhan $5 milyan…

Berbera (Axadle) – Markab u rarnaa Ganacsato reer Gobaladda Waqooyi ah oo muddooyinkii dambe ku xirnaa dekedda Berbera ee Gobaladda Waqooyi ayaa dib uga goostay dekedda, sida ay ogaatay Axadle. Saraakiil ka tirsan dekedda oo la hadlay Axadle ayaa sheegay in Markabkaas uu dib uga goostay dekedda Berbera, ayada oo aan laga dejin shixnadii saarneyd oo ay lahaayeen ganasato reer Gobaladda…

Taalibaan oo ku hanjabtay ‘Jihaad’ ka dhan ah Turkey + Sabab…

Kabul (Axadle) – Kooxda Taalibaan ayaa dowladda Turkiga uga digtay inay sii waddo joogitaankeeda Militari ee dalka Afghanistan, taasoo ay kooxda ku sheegtay haddii ay dhacdo inay u arki doonto in ciidamada Turkiga ay yihiin kuwa gumeystayaal ah, islamarkaana ay ku qaadi doonto waxa ay ugu yeertay ”Jihaad”. Digniinta ayaa timid iyadoo ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo hor leh oo dagaal oo dadka dhaleeceeya ay sheegayaan inay muujineyso in Taalibaan ay…

Howl-gal culus oo laga fuliyey xaafado ku dhow Villa Soomaal…

Muqdisho (Axadle) – Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa xalay markale howl-gal gaar ah ka sameeyey agagaarka xarunta madaxtooyada qaranka , kaas oo ahaa mid lagu xaqiijinayey amniga, sida ay sheegeen laamaha ammaanka. Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ciidamada Booliska Soomaaliya ay ka fuliyeen degmada Boondheere, gaar ahaan xaafado u dhow xarunta Villa Soomaaliya. Ilo deegaanka ah ayaa Axadle u sheegay in howl-galka si gaar ah looga…

Daawo: Xamza oo shaaciyey arrimo yaab leh oo uu ugu tegay wa…

Muqdisho (Axadle) – Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya Xamza Saciid Xamza ayaa ka sheekeeyey arrimo uusan filaneyn oo uu ugu tegay markii loo magacaabay wasaaradaas, isagoo aad u dhaliilay hanaankii hore ee wasaaradda dhalinyarada ay u shaaqeyn jirtay. Wasiir Xamza waxa uu sheegay in markii loo magacaabay wasaaradda dhalinyarada uu waayey xafiis uu ku shaqeeyo, sidoo kalena shaqaalihii ay fasax isaga maqan yihiin in ka badan laba sano, taas oo shaqa badan kadib uu sheegay in hadda uu wax badan ka…

Dhageyso: Aabaha askarigii kasoo baxsaday Eritrea ee lagu di…

Muqdisho (Axadle) – Cabdimaalik Cabdullahi Xasan oo kamid ahaa dhalinyaradii ka soo baxsatay dalka Eritrea ee bishii hore lagu soo bandhigay deegaanada Puntland ayaa xalay lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, sida ay hore u baahisay Axadle. Wiilkan oo ahaa 20-sano jir ayaa bil ka hor ka soo muuqday warbaahinta, isagoo ka sheekeynaya qaabkii ay uga soo baxsadeen dalka Eritrea oo dowladda Soomaaliya tababar u geysay. Aabaha…

Ciidamada TIGRAYGA oo qabsaday magaalo muhiim ah kuna sii si…

Mekelle (Axadle) – Ciidamada Tigray ayaa sheegay Isniintii inay kusii siqayaan Koonfurta ayna magaalo kale dib uga qabsadeen ciidamada dowladda, ayaga oo muujinaya sida ay uga go’an tahay inay dagaalka sii wadaan illaa dib looga soo celiyo xuduudihii dagaalka kahor. Wakaaladda wararka si madax-banaan uma xaiijin karto sheegada Tigray-ga. Ciidamada TPLF ayaa 28-kii Juna qabsaday magaalada Mekelle ee axadle Tigray. Hase yeeshee qeybo ka mid ah…

Daawo: Hooyo raadineysa gabadheeda oo ay sheegtay in ay ka h…

Muqdisho (Axadle) – Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa sheegtay in gabadheeda Ikraan Dr. Tahliil Faarax muddo 16 maalmood ah la la’yahay ayna ku tuhemyso hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonkaqaranka Soomaaliya ee NISA. Hooyo Qaali, oo warbaahinta kula hadashay Muqdisho, ayaa sheegtay in gabadhan ay ka shaqeyneysay xafiiskii allaha ha u naxariistee Injineer Yariisow, islamarkaana ay xilli habeen ah raacday gaari u diiwaan gashan dowladda oo la yaqaan,…