Tottenham Oo Isniinta Dib Usoo Ceshanaysa Pochettino Oo Isaguna
Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa wada-hadallo la bilaabaysa PSG oo ay doonayso, in ay dib uga soo ceshato tababaraheedii hore ee Mauricio Pochettino, kaas oo isagana la wariyey in uu doonayo in uu iskaga tago Faransiiska oo uu muddo kooban joogay.
Pochettino ayaa waqti guul lagu tilmaami karayo ku qaatay Tottenham sannadihii u dhexeeyey 2014 illaa 2019, laakiin waxa shaqada laga caydhiyey bishii November kaddib markii ay kooxdu u degtay kaalinta 14aad ee horyaalka Premier League, iyadoo uu xilli ciyaareedkii horena keenay finalka Champions League oo ay Liverpool 2-0 kaga qaaday koobka.
Tababarahan 49 jirka ah oo ay PSG magacowday bishii January ee sannadkan, ayaa waqtigiisa Parc des Princes uu yahay mid isku badhxan, sababtoo ah, waxay kooxdu lumisay horyaalka Ligue 1 oo sagaalkii sannadood ee ugu dambeeyey ay u tahay markii labaad ee laga qaado. Laakiin waxa uu dhinaca kale la qaaday French Super Cup iyo French Cup, halka Champions League ay semi-finalka ku reebtay Man City.
Wargeyska Daily Mail ayaa saaka boggiisa hore ku daabacay, in Tottenham ay Isniinta bilaabayso qorshaha ay dib ugu soo ceshanayso tababaraheeda hore, isla markaana ay wada-hadallo la bilaabi doono, si uu ugu soo laabto woqooyiga London.
Haddii Pochettino uu kusoo laabto London, waxa uu isbeddel ku iman doonaa go’aanka weeraryahanka kooxdaas ee Harry Kane oo wararku sheegayaan in uu doonayo in uu iskaga tago kooxdan.
Kane oo xilli ciyaareedkan ku guuleystay abaal-marinta kabta dahabka ah kaddib markii uu dhaliyey 23 gool, isla markaana uu hal gool ka hormaray Mohamed Salah oo 22 gool saxeexay, waxa uu wargeysku sheegay in uu Pochettino ka dalban doono in uu muddo sannad ah sii joogo kooxda, kaddibna loo ogolaan doono in uu ku tago si wanaagsan oo lagaga raalli yahay.