GANTAAL Culus: Guardiola Oo La Weydiiyay In Inantiisa Uu Shukaansado

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa hadal gantaal ah ku riday khadka dhexe ee kooxda Tottenham ee Dele Alli kaas oo ay muddooyinkii ugu dambeeyay soo baxayeen warar sheegaya inuu inantiisa jacayl la bilaabay.

Pep ayaa caawa isaga oo hormood u ah kooxdiisa City ciyaarsiinaya kulanka Final-ka Champions League oo ay kaga hortagayaan Chelsea iyo macalinkeeda Thomas Tuchel.

Kahor kulankaas, waraysi uu bixiyay tababaraha ree Spain ayuu si dadban u duray Dele Alli isaga oo uga wareegay dhinaca abaarta koobab la’aaneed ee haysta kooxdiisa Tottenham iyo ciyaartoydeeda.

Alli ayay dhawaan isku xumaadeen Rugby Mae oo ahayd 23 sano jir isla markaana uu xidhiidh hore ugala dhaxeeyay balse waxa uu deg-deg ugu wareegay inanta Pep ee Maria Guardiola.

Pep oo ka hadlayay Alli iyo xidhiidhka uu gabadhiisa la bilaabay ayaa sheegay in uu biladiisa Champions League ee caawa siin doono inantiisa si ay u siiso shaqsi ay jeceshahay oo aan waligii bilad koob arag oo uu ula jeedo Delle Ali.

Guardiola ayaa yidhi “Waxaan biladayda Champions League siin doonaa inantayda haddii aan ku guuleysto, sidaas darteed waxa ay khibradaas la wadaagi kartaa qof ay jeceshahay kaas oo aan waligii bilad taaban”

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More