Kulamada wareegga 16ka Euro ayaa la ciyaarayaa afarta habeen ee Sabtida illaa Salaasada, waxaana kala calaf-qaadi doona waddamada usoo gudbay wareeggan oo kala badh ay ka hadhi doonaan tartanka, iyadoo ay soo gudbi doonaan siddeed dal.Saddex kulan ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, kuwaas oo ay waddamo waaweyn oo tartanka loo saadaalinayay ku ballansan yihiin.England ayaa la ciyaari doonta xulka qaranka Germany oo rikoodheyaal kaga reebay Koobkii Adduunka 1990kii iyo Euro 1996, waxaana ka dhaxaysa cadaawad weyn.Sidoo kale,…