20kii Xiddig Ee Ugu Qaalisanaa Taariikhda Premier League Ka Hor

Manchester City ayaa lagu soo warramayaa inay qarka u saaran tahay inay £100 milyan oo Gini kula soo wareegto xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Aston Villa iyo xulka England ee Jack Grealish.

Laacibkan ayaa kooxdiisa ka caawiyey sannadkii 2019 inay usoo dallacdo heerka labaad, sidoo kalena ka badbaadiyey xilli ay qarka u saarnayd inay heerka labaad ku noqoto.

Bandhiggiisa cajiibka ah ayaa uu kusoo jiitay kooxaha waaweyn ee Ingiriiska, waxaana hore iskugu dayday saxeexiisa Manchester United oo xagaagii hore weyday, balse hadda ayuu u dhow yahay in Man City uu u wareego iyadoo kooxdiisa Aston Villa na heli doonta £100 milyan oo Gini.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay Jimcihii maanta, in City ay maalmaha soo socda dhamaystiri doonto.

Dhinaca kale, Manchester United ayaa la sheegay inay heshiis la gaadhay Borussia Dortmund oo ay £75 milyan oo Gini oo lagu daray £5 milyan oo kale oo dheeraad ah oo bandhiggiisa ku xidhan ay kaga iibsanayso weeraryahanka reer England ee Jadon Sancho.

Kaddib markii ay soo baxeen labadan saxeex ee dhamaystirkoodu dhow yahay, shabakadda qiimaynta suuqa ee Transfermarkt ayaa waxay soo saartay 20kii xiddig ee ugu qaalisanaa ee ay kooxaha Premier League iibsadeen taariikhda.

Sida la filan karo, Manchester City iyo Manchester United ayaa sameeyey saxeexyada ugu qaalisanaa ee ciyaartoyda 20ka ah ee hoos ku xusan, laakiin waxa kale oo iyaguna jira naadiyo kale sida Liverpool iyo Chelsea oo door firfircoon ka ciyaaray.

20ka xiddig ee ugu qaalisanaa Premier League & lacagihii lagu kala iibsaday:

20. Naby Keita to Liverpool €60m

19. Alisson to Liverpool €62.5m

18. Rodri to Man City €62.7m

17. Raheem Sterling to Man City €63.7m

16. Pierre-Emerick Aubameyang to Arsenal €63.75m

15. Christian Pulisic to Chelsea €64m

14. Aymeric Laporte to Man City €65m

13. Joao Cancelo to Man City €65m

12. Alvaro Morata to Chelsea €66m

11. Riyad Mahrez to Man City €67.8m

10. Ruben Dias to Man City €68m

9. Angel Di Maria to Man United €75m

8. Kevin De Bruyne to Man City €84.7m

7. Kepa to Chelsea €80m

6. Nicolas Pepe to Arsenal €80m

5. Kai Havertz to Chelsea €80m

4. Virgil van Dijk to Liverpool €84.65m

3. Romelu Lukaku to Man United €84.7m

2. Harry Maguire to Man United €87m

1. Paul Pogba to Man United €105m

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More