RASMI: Xulka Qaranka France Ee Ka Qayb-gelaya Tokyo Olympics Oo Lagu

Andre[Pierre Gignac iyo Florian Thauvin ayaa lagu daray xulka qaranka France ee ka qayb-geli doona ciyaaraha Olambikada ee lagu qabanayo magaalada Tokyo ee waddanka Japan.

Liiska ciyaartoyda Faransiiska ee ka qayb-geli doona tartankaas ayaa waxay iskugu jiraan ciyaartooyo da’ yar u badan oo tayadoodu sarrayso iyo dhawr laacib oo kale oo lagu xoojiyey, laakiin waxa laga reebay weeraryahanka PSG ee Kylian Mbappe.

Saddex ciyaartoy oo ay da’doodu ka weyn tahay 23 jir ayaa loo ogol yahay in waddamadu kusoo daraan xulalkooda, inta kalena waa in ay noqdaan ciyaartooyo da’doodu ka hoosayso, taas ayaanu Faransiisku ka faa’iidaystay oo uu usoo xushay Gignak iyo Thauvin.

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Rennes ee Eduardo Camavinga iyo difaaca Arsenal ee Eduardo Camavinga ayaa lagu soo daray xulka.

Ciyaartoyga ugu khibradda badan ayaa ah Gignac oo u ciyaara kooxda reer Mexico ee Tigres, 36 kulanna u ciyaaray xulka qaranka ee waaweynka. Sidoo kale, laacibkiisa ay isku kooxda yihiin ee hore ugu soo ciyaaray Marseille iyo Newcastle ee Thauvin oo 10 kulan oo khibrad xulka dalkaas ah ayaa waayo-aragnimadooda ku caawinaya da’yarta Faransiiska uga qayb-gelaya Olombikada.

Liiska ciyaartoyda xulka qaranka France ee Olombikada oo dhamaystirn:

Goolka: Paul Bernardoni (Angers), Gautier Larsonneur (Brest).

Difaaca : Benoît Badiashile (Monaco), Anthony Caci (Strasbourg), Pierre Kalulu (AC Milan, ITA), Clément Michelin (Lens), William Saliba (Arsenal, ANG), Malang Sarr (Chelsea, ANG).

Difaaca : Eduardo Camavinga (Rennes), Maxence Caqueret (Lyon), Jonathan Ikoné (Lille), Téji Savanier (Montpellier), Florian Thauvin (Monterrey, MEX), Lucas Tousart (Hertha Berlin, ALL).

Weerarka: André-Pierre Gignac (Monterrey, MEX), Amine Gouiri (Nice), Randal Kolo Muani (Nantes), Arnaud Nordin (Saint-Etienne).

Kaydka: Maxence Prévot (g.) (Sochaux, L2)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More