Ronald Koeman ayaa soo saaray liiska xiddigaha Barcelona ee kulanka saaxiibtinimo ee caawa ay la ciyaarayaan Girona, waxaana uu kusoo daray mid ka mid ah saxeexyadii cusbaa ee ay xagaagan sameeyeen.Barcelona ayaa garoonka Estadi Johan Cruyff oo ah garoonkeeda tababarka waxay ku qaabbilaysaa Girona waxaanay u noqonaysaa ciyaartii labaad ee saaxiibtinimo ee ay dheelaan xagaagan.Tababare Koeman ayaa liiska ciyaartoydiisa waxa uu kusoo daray ciyaartoydii kulankii hore ka maqnaa qaarkood, sida Clement Lenglet, Antoine Griezmann…