Xiddigii Arsenal Oo Magaciisa Magac Shiinees Loogu Bedelay,

Marka ugu horeysay ma jiro ciyaaryahan magaciisa la yiraahdo Nico Yennaris laakiin waxaa jira xiddig loo yaqaano wixii hadda ka danbeeya Li Ke.

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee kooxaha Arsenal iyo Brentford ayaa iska bedelay magaciisa ka dib markii uu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay abid ee u dheela xulka Shiinaha ee qaatay dhalashada wadankaas.

Wuxuu iska celiyay baasaboorkiisa British-ka ah maadaama Shiinaha aysan ogoleen in shaqsi uu labo dhalasho heysta isagoo haatan xulka Shiinaha u saftay shan kulan.

27 jirkaan ayaa u sheegay wargeyska The Sun: “Haddii aan daacad u hadlo, ma hubo micnaha magaceyga. Waxaa la i siiyay markii aan halkaan u soo guuray.

“Run ahaantii ma aanan ogeyn in magaceyga si rasmi ah loo bedelay ilaa iyo markii aan imid. Lama filaan ayay igu yara aheyd laakiin waan faraxsanahay, waana ku faanayaa inaan heysto magac Shiinees ah.

“Qof walba wuxuu ii sheegaa inuu yahay magac iska fiican. Li waa magac caan ka ah Shiinaha. Waan la qabsaday in dadku ay sidaas iigu yeeraan.

“Dadka qaar ayaa weli iigu yeeraa Nico. Qaar waxay iigu yeeraan Li Ke laakiin taageerayaasha badankood waxay iigu yeeraan magaceyga Shiineeska.”

Li ayaa u ciyaari karay Shiinaha madaama hooyadiis ay halkaas ku dhalatay taasoo ku hadasha Cantonese halkii ay ku hadli laheyd Mandarin iyadoo wiilkeeda uu haatan baranayo.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More