Xiddig Aan Aheyn Lionel Messi Oo Lama Taabtaan Ka Noqday

Ronald Koeman ayaa si cad u sheegay markii uu noqonayay tababaraha Barcelona inuusan isbedel ku sameyn doonin shaxdooda.

Isku shaandheynta ma aheyn wax uu qorsheynayay inuu si joogta ah u sameynayo ama sabab la’aan.

Laakiin kubada cagta waa mid aan saadaal laheyn. Dhaawacyo iyo ganaaxyo ayaa ku qasbay inuu isbedelo badan sameeyao ka dib 10 kulan uu kooxda hogaaminayay.

Koeman ayaa labo shax oo isku mid ah soo safay kaliya labo kulan oo kala aheyd kulankii Villarreal iyo Celta Vigo.

Ilaa iyo 22 ciyaaryahan ayaa daqiiqado ay ku ciyaaraan helay xilli ciyaareedkan.

Ciyaaryahanadda qaar waa kuwa inta badan ka soo muuqda shaxda Koeman, laakiin xiddiga uu u janjeero mar walba waa Frenkie de Jong oo uu tababare ugu soo ahaa xulka Holland.

De Jong ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee kooxda ku jira ee aan marnaba shaxda laga bedelin, waxa uu ilaa iyo haatan ciyaaray 890 daqiiqo waana xiddigaha daqiiqadaha ugu badan dheelay kooxda oo dhan.

Lionel Messi, Sergio Busquets, Ansu Fati iyo Pedri ayaa iyagana loo arki karaa lama taabtaan iyagoo ka mid ah qorshayayaasha tababare Koeman. Dhamaantood waa ay ka qeyb qaateen 10ka kulan inkastoo mararka qaar ay kursiga keydka ka soo kacayeen.

Messi ayaa ah xiddiga labaad ee daqiiqadaha ugu badan dheelay isagoo ciyaaray 855 daqiiqo madaama uu kursiga keydka fadhiyay kulankii Real Betis ka hor inta uusan natiijo keenin.

Dhaawacyada Ansu Fati iyo Busquets ayaa dhabarjab ku noqon doona tababaraha reer Holland.

Frenkie de Jong – 890 daqiiqadoodLionel Messi – 855 daqiiqadoodGerard Pique – 788 daqiiqadoodNeto – 720 daqiiqadoodSergi Roberto – 719 daqiiqadoodSergio Busquets – 694 daqiiqadoodJordi Alba – 681 daqiiqadoodClement Lenglet – 643 daqiiqadodAnsu Fati – 596 daqiiqadoodAntoine Griezmann – 589 daqiiqadoodPedri – 546 daqiiqadood

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More