“Waxay Haystaan Ceballos, Xhaka, Thomas, Willian,

Halyeygii Arsenal ee Cesc Fabregas ayaa qiray in tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ay ku kulmeen dhibaatooyin uu dhexda kaga jiro, kuwaas oo uu xusay inay u baahan yihiin inuu kaga soo kabto natiijooyin wanaagsan oo uu sameeyo, maadaama wax waliba ku xidhan yihiin inuu dhibco ka keeno kulamada.

Gunners ayaa dhibaato ku bilaabatay horyaalka xilli ciyaareedkan, waxaana laga badiyey afar ka mid siddeeddii ciyaarood ee fasal ciyaareedkan iyagoo guud ahaan dhaliyey sagaal gool oo kaliya.

Ciyaartii ugu dambaysay waxa 3-0 ku garaacday Aston Villa ka hor intii aan loo bixin kulamada caalamiga ah, waxaanay tani farta ku godday mustaqbalka tababare Mikel Arteta oo la sheegayo aanu degganayn.

Cesc Fabregas oo wax laga weydiiyey xaaladda ka jirta kooxdiisii hore ee Arsenal ayaa waxa uu sheegay in Mikel Arteta uu wali ku jiro xaalad kala wareeg ah, isla markaana uu ka shaqaynayo sidii uu u hirgelin lahaa fikradihiisa balse ay taasi tahay mid waqti qaadanaysa.

“Dhegayso, waa waqti kala wareeg ah. Mikel wuxuu haystaa fikradihiisa balse waqti ayay qaadanaysaa. Dhibaatada haysata tababareyaasha maalmahan dambe waa inaan waqti la siinin. Saddex ciyaarood ayaad guul-darraysanaysaa, qof walbana wuxuu ku weydiisanayaa inaad madaxa soo dhigato.” Ayuu yidhi Cesc Fabregas.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu qiray in xaaladdu ku adag tahay Arteta, waxaanu yidhi: “Waan ogahay inay aad iyo aad ugu adag tahay, sababtoo ah, waxaad doonaysaa inaad hirgeliso fikrado waxaanay qaadanaysaa waqti.

Mararka qaarkood way adkaataa sababtoo ah kubadda cagta ayaa degdeg u soconaysa, qof walbana wuxuu doonayaa guul, waxa jiraya culays kaaga imanaya dhinaca maamulka, taageereyaasha, ciyaartoyda. Maalin walbana kawaanka ayaad saaran tahay.

“Wuxuu isku dayayaa inuu helo kooxdiisa. Waxay haystaan Dani Ceballos, waxay haystaan Granit Xhaka, waxay hadda kusoo kordhiyeen Thomas Partey oo Atletico ka yimid, waa ciyaartooyo wanaagsan.

“Waxay haystaan Willian, waxay haystaan Aubameyang, waa ciyaartooyo sare, oo ay hubaal tahay boqolkiiba boqol. Waxa laga yaabaa inay wali u baahan yihiin waqti.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More