WARBIXIN: Seddex Meelood Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Real Madrid &
Real Madrid ayaa caawa soo dhaweneysa kooxda heysata horyaalka Premier League ee Liverpool lugta hore ee wareega 8da Champions League. Kulankaan ayaa ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan wareegaan.
Hadaba waxaan eegi doonaa seddex iska horimaad oo fure u noqon doona guusha ama guuldarada kulanka caawa.
1. Raphael Varane vs Diogo Jota
Madaama uu maqan yahay Sergio Ramos, Real Madrid waay ku tashaneysaa in Raphael Varane uu hogaamiyo daafacooda kulanka Liverpool ee caawa.
Xiddiga Faransiiska ayaa muhiim u ahaa Real Madrid xilli ciyaareedkan isagoo saftay 27 ka mid ah 29 kulan oo ay ciyaareen horyaalka La Liga.
Waxaa lagu doodi karaa inuu yahay daafaca ugu fiican Los Blancos xilli ciyaareedkan.
Diogo Jota ayaa ah xiddiga sida weyn uga dhex muuqda Liverpool xilli ciyaareedkan.
Xiddiga reer Portugal si fiican ayuu u saldhigtay weerarka Reds tan iyo markii uu xagaagii ka soo wareegay kooxda Wolves.
Jota ayaa dhaliyay sideed gool 13 kulan uu u dheelay Liverpool xilli ciyaareedkan, wuxuuna qarka u saaran yahay inuu booska kala wareego Firmino iyadoo caawa la filayo inuu ku soo bilowdo shaxda kooxda.
2. Ferland Mendy vs Mohamed Salah
Iska horimaadkaan waa mid si weyn loo sugayo kulanka wareega sideed dhamaadka Champions League.
Mohamed Salah wuxuu ahaa iftiinka Liverpool xilli ay mugdi ku dhex jireen xilli ciyaareedkan. Iyadoo Saido Mane iyo Roberto Firmino ay ku dhibtoonayeen inay goolal dhaliyaan, Salah ayaa dusha u ritay mas’uuliyada gooldhalinta.
Xiddiga reer Masar ayaa haatan ah xiddiga labaad ee ugu goolasha badan Premier League isagoo dhaliyay 18 gool. Wuxuu sidoo kale shan gool ka dhaliyay Champions League xilli ciyaareedkan.
Salah wuxuu ka horimaan doonaa daafaca bidix ee kooxda Real Madrid Ferland Mendy.
Xiddigii hore ee Lille ayaa wacdarro u dhigaya Los Blancos xilli ciyaareedkan, si uu u xakameeyo saameynta Salah, Mendy wuxuu u baahan yahay inuu soo bandhigo qaab ciyaareedkiisa ugu fiican./
3. Luka Modric vs Thiago Alcantara
Luka Modric ayaa 36 sanno jir noqday bishii September laakiin wuxuu soo bandhigayaa weli qaab ciyaareed aad u sareeya isagoo kala agaasimaya khadka dhexe ee kooxda Real Madrid.
Wuxuu dhaliyay seddex gool isagoo abuuray seddex caawin kale horyaalka taasoo muhiim u aheyd inay Los Blancos u tartanto hanashada La Liga.
Dhanka kale Thiago Alcantara ayaa ku dhibtooday inuu si buuxda ula qabsado qaab ciyaareedka Liverpool tan iyo markii uu ka soo wareegay Bayern Munich.
Si kastaba, sida lagu arkay waqtigiisii Bundesliga, wuxuu jecel yahay inuu ismuujiyo kulamada waa weyn.
Labada ciyaaryahan waxaa lagu yaqaanaa inay ismuujiyaan kulamada ugu waa weyn, iyadoo iska horimaadkooda uu noqon doono mid xiiso leh.