WARBIXIN: Isbedelo Culus Oo Barcelona Ka Dhacaya, 14 Xiddig Oo Baxaya

Kooxda Barcelona ayaa la filayaa inay isbedelo waaweyn samayn doonto suuqa xagaaga sanadkan iyadoo diri karta xiddigo aad u badan sida ay sheegayso saxaafada Spain xilli ay sidoo kale jiraan ciyaaryahano bar-tilmaameed u ah.

Hammiga Barca ee ahaa inay ku guuleysato horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan ayaa xumaaday kaddib markii ay laba bar-bardhac oo xidhiidh ah la gashay Atletico Madrid iyo Levante iyadoo kulamadaas kahor ay Granada garaacday.

Waxa ugu horreeya ee ay tahay inuu xaliyo madaxweyne Joan Laporta ayaa ah inuu xaliyo mustaqbalka tababare Ronald Koeman oo shaki ku jiro kaddib natiijooyinkaa xidhiidhka ah ee dib u dhaca ah.

Marka laga yimaado in la caydhin karo waxa jirta sidoo kale fursad uu Koeman kooxda kusii joogayo maadaama oo uu hal sano oo kale heshiiskiisa uga hadhsan yahay isla markaana uu kooxda dhawaan kula guuleystay Copa Del Rey xilli uu sidoo kale xiddigo da’yar ah oo mustaqbalka Barca bathroom arko soo saaray.

Si kastaba ha ahaatee, sida uu hadda sheegayo wargeyska Mundo Deportivo, Barcelona ayaa qiyaastii 14 xiddig oo kooxdeeda ah diri karta xagaaga.

Xaalada dhaqaale ee Barca ayaa ah mid aad u xun oo uu si ba’an u saameeyay xanuunka Korona Fayras waxaana hubaal ah haddii ay doonayaan saxeexyo cusub inay tahay inay mara hore xiddigaha qaar iska diraan.

Xiddigaha kooxda ka bixi kara ayay kamid yihiin Phillipe Coutinho, Martin Braithwaite, Miralem Pjanic, Junior Firpo, Neto iyo Matheus Fernandes.

Marka laga yimaado inay garoonka dhexdiisa ku liitaan amaba aysan kooxdu wakhti fiican siin, xiddigaha kala ah Coutinho, Pjanic iyo Umtiti ayaa la fasaxayaa sababtoo ah mushaharkooda badan.

Xiddigaha iman kara ayay kamid yihiin Eric Garcia oo daafaca dhexe uga ciyaara Manchester Metropolis kaas oo ay horeba heshiis ula gaadhay Barca, sidoo kale Sergio Aguero oo isaga qudhiisu Man Metropolis ah, Memphis Depay oo Lyon ka tirsan iyo Gini Wijnaldum oo Liverpool ah, waxa xusid mudan inay dhammaantood bilaash yihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More