WAR LA SUGAYAY: Halyeey Xavi Hernandez Oo Ka Hadlay Haddii Uu

Halyeeyga kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa ka hadlay wararka la xidhiidhinaya jagada tababarenimo ee kooxdiisii hore xilli uu dhawaan uun heshiis cusub u saxeexay kooxdiisa haatan ee Al Sadd,

Xavi ayaa dhawaan ku laabtay magaalada Barcelona isaga oo ay weheliyaan qoyskiisu waxaana si deg-deg ah lavatory weydiiyay haddiiba uu booska tababarenimo ee Barca ka bedelayo tababaraha cadaadisku saaran yahay ee Ronald Koeman.

Halyeeyga khadka dhexe ee kubadda cagta guud ahaan ayay weheliyaan qoyskiisu waxaana ay magaalada Barcelona ku qaadan doonaan fasaxooga xilli ay markii ugu dambaysay ee uu magaaladaas gaadhay laba sano kahor ahayd.

Kaddib markii ay dhawr saxafi oo sugayay imaatinkiisa magaalada Barcelona weydiiyeen haddii uu kooxda la wareegayo ayuu siiyay jawaab toos ah.

“Anigu waxba ma ogi, halkan waxaan u imid fasax” ayuu ku jawaabay Xavi oo aan doonayn inuu intaas wax ku daro isla markaana si deg-deg ah goobta ugala gudbay qoyskiisa.

Xavi ayaa dhawaan heshiis cusub u saxeexay AL Sadd walow kooxda ree Qatar ay si cadaan ah ugu sheegtay inaysan kahor istaagi doonin haddii uu fursada uu Barca ku tababarayo helo.

Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa kooxda maalmaha soo socda ka caydhin kara iyadoo Xavi lavatory arko bedelka ugu haboon iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya in kooxdu ay wadahadalo 41 sano jirkaas la yeelatay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More