WAR BUUXA: Masuul Borussia Dortmund Ah Oo Meel Saaray Wararka Erling

Ninka dhawaan noqon doona agaasimaha ciyaaraha kooxda Borussia Dortmund ee Sebastian Kehl ayaa shaaca ka qaaday go’aanka kooxdaas iyo halka ay ka taagan yihiin inay gudaha suuqa xagaagan iska iibiyaan weeraryahan Erling Haaland.

- Advertisement -

Haaland ayaa saaxada ugu sarreysa ee kubadda cagta kasoo dhalaalay xilli ciyaareedkii 2019-20 isaga oo kooxda RB Salzburg 16 gool ugu soo dhaliyay 14 kulan oo horyaalka ah sidoo kalena Champions League kasoo dhalaalay.

Kooxaha waaweyn ee Yurub ayaa bilaabay in lala xidhiidhiyo saxeexiisa gaar ahaan kooxaha Premier League maadaama aabihii Alf-Inge Haaland uu ahaa daafac ku najaxay horyaalkaas.

Ugu dambayn Borussia Dortmund ayaa noqotay kooxda ku guuleysatay saxeexiisa iyagoo heshiis 17 Milyan oo pound ah kagala wareegay RB Salzburg.

21 sano jirkaas ayaa ahaa mid wacdarro kusoo dhigay Dortmund isaga oo 40 gool ugu soo dhaliyay 43 kulan xilli ciyaareedkii tagay.

Haddaba, Kehl oo wargeyska The Bild la hadlay ayaa sheegay inuu Haaland kooxdooda joogi doono xilli ciyaareed kale isla markaana intii ay wadeen heshiiska Donyell Malen aysan wakiil Mino Raiola oo wakiilkiisa ah u dhaqmin sida inay kulan kale ka yeelan doonaan arrimaha Haaland.

Sebastian Kehl ayaa yidhi “Miyuu Haaland joogi doonaa xagaagan? Haa, wadahadalii Raiola ee Malen, maan qabin dareenka ah inaanu markale wax ku saabsan Haaland ka kulmi doono, ma doonayno inaanu ka tanaasulno isaga”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More