“Waan niyad jabay,” ayuu qirtay Mohamed Salah

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Mohamed salah ayaa ka hadlay heshiis cusub oo uu ku dhaqaaqay tababare Jurgen Klopp.

Salah ayaa cadeeyay inuu ka xun yahay in loo magacaabi waayo kabtanka kooxda kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen Danish Midtjyland ee Champions League.

Klopp ayaa ka tagay kabtankiisa muhiimka ah Jordan Henderson, taas oo la micno ah in Salah uu ka mid ahaa tiro ciyaartoy waaweyn ah oo kusoo bilawday Liverpool.

Laakiin tababaraha reer Jarmal ayaa go’aansaday inuu kabtan u noqdo Trent Alexander Arnold, kaasoo ka qalin jabiyay akadeemiga kooxda dhowr sano ka hor.

Maxamed ayaa daah furay goolasha wuxuuna hogaanka u dhiibay Liverpool laakiin wuxuu qirtay inuu filayay inuu noqdo kabtan.

Salah ayaa u sheegay wargeyska Isbaanishka ee AS: “Daacadii, aad ayaan uga xumaaday, waxaan rajeynayey inaan noqdo kabtan, laakiin wuxuu ahaa go’aanka tababaraha, waan aqbalay”.

Salah ayaa laf dhabar u ahaa Liverpool tan iyo markii uu ku soo biiray 2017, isagoo dhaliyay 108 gool 172 kulan oo uu saftay.

Goolasha Salah ayaa ka caawiyay Liverpool inay ku guuleysato Premier League, Champions League iyo waxyaabo kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More