Waa Kuwee Afarta Kooxood Ee Loo Arko Inay Ku Tartamayaan

Sannadihii ugu danbeeyay tartanka horyaalka Premier League wuxuu noqday tartan labo fardood ah iyadoo ay ku tartamayeen kooxaha Liverpool iyo Manchester City laakiin xilli ciyaareedkan taasi waa ay isbedeshay.

Afar kooxood ayaa loo arkaa xilli ciyaareedkan inay fursad weyn u heystaan hanashada horyaalka iyadoo tartanka uu isku bedelay mid afar fardood ah.

Liverpool ayaa weli ah kooxda ugu cadcad inay difaacato koobka, waxaa ku soo xiga Manchester City iyadoo tartanka ay ku soo biireen tababare iyo ardaygiisa.

Tottenham iyo Chelsea ayaa xilli ciyaareedkan muujiyay inay la tartami karaan Man City iyo Liverpool taasoo xiiso gaar ah u sii yeeleysa horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Tababare Lampard ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay guushii seddexaad ee isku xigta halka ay shabaqa ilaashadeen lix ka mid ah todobadii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan.

Tottenham ayaa iyagana muujiyay sarre u kac weyn iyagoo haatan farqiga goolasha ku hogaaminaya horyaalka ka dib guushii ay ka gaareen Man City.

Shirkadaha sharadka isboortiga ka shaqeeya ee Ingariiska ayaa haatan u calaamadiyay afartaan kooxood inay yihiin kuwa la filayo inay ku hardami doonaan hanashada horyaalka iyadoo Liverpool gacanta sarre la siiyay marka loo eego seddexda kooxood kale.

Maxay kula tahay adiga akhriste? Yaad isleedahay waa ay ku guuleysan doontaa horyaalka xilli ciyaareedkan? Fekerkaaga qeybta hoose inoo soo dhig.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More