Waa Kuma Xiddiga Lagu Naanaysay ‘New Bruno Fernandes’ Ee Ay Saxeexiisa

Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inay halkeeda kasii wado inay la socoto horumarka uu samaynayo xiddiga Sporting Lisbon ee Pedro Goncalves kahor heshiiska ay ku doonayaan inay ugu dhaqaaqaan suuqa xagaaga.

Pedro ayaa lagu naanaysay “Bruno Fernandes-ka xiga” iyadoo xiddiga Manchester United lagula bar-bardhigay qaab ciyaareedkiisa oo kale inuu leeyahay.

Goncalves ayaa xilli ciyaareedkan 15 gool horyaalka Liga NOS uga soo dhaliyay kooxdiisa Sporting, 22 sano jirkaas ayaa sidoo kale saddex caawimo soo sameeyay iyadoo kooxdiisu ay hadda hoggaanka horyaalkaas siddeed dhibcood oo saafi ah ku hayso.

Arsenal ayaa suuqa ugu jirta saxeexa No.10 cusub waxaana ay ugu horreynba jeclaan lahayd inay sii haysato Martin Odegaard oo hadda qaab amaah ah ugala jooga dhinaca Actual Madrid.

Heshiiska Odegaard uu kaga soo maqan yahay Bernabeu ayaa ah mid amaah ah waxaana la filayaa inuu ku laaban doono kooxdaas xagaaga.

Wargeyska Portuguese-ka ah ee A Bola ayaa sheegaya in Gunners uu dookha labaad u yahay Goncalves haddiiba ay awoodi waayaan sii haysashada Martin Odegaard.

Sidoo kale xaqiiqada ah inuu boosas badan ka ciyaari karo Goncalves ayaa ah mid soo jiidanaysa Gunners balse lacagta heshiiskiisa lagu jabin karo ayaa caqabad ku noqon karta.

Pedro Goncalves ayaa 51 Milyan oo pound lagu jabin karaa heshiiska uu kula joogo Lisbon, A Bola ayaa sheegaya in kooxdiisu aysan aqbali doonin lacag aad uga yar midaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More