Waa Kuma Xiddiga England Ee Roy Keane Uu Xalay Ku

Jude Bellingham waxa uu beddel kusoo galay qaybtii dambe ee ciyaartii xulka qaranka England uu 5-0 ku garaacay San Marino, waxaana uu daqiiqadihii uu garoonka ku jiray ku kasbaday amaan uu ka helay Roy Keane oo ku tilmaamay khad dhexe oo dhamaystiran.

17 jirkan ayuu tababare Gareth Southgate ku beddelay Mason Mount, isaguna waqti iskama lumin, waxaanu markiiba si xarrago leh usoo bandhigay xirfaddiisa ciyaareed ee hibada ah.

Jude Bellingham ayaa kubbad baas taa-taabasho kalsooni badan kusoo kordhiyey khadka dhexe, waxaana uu ku dhowaaday in uu shabaqa soo taabto kaddib markii uu kubbad laba-lugoodis ah ku qabtay, waxaana haddii uu goolkaasi dhalan lahaa uu noqon lahaa ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee abid gool u dhaliya xulka qaranka England.

Kubbad-sameeyahan oo sannad ka hor ay Borussia Dortmund saxeexiisa ku garaacday kooxo badan oo horyaalka Ingiriiska ee Premier League ka tirsan, ayaa waxa qaab ciyaareedkiisa ka helay Roy Keane oo yidhi: “Bellingham wuxuu u muuqdaa ciyaartoy khad dhexe oo dhamaystiran. Wali waa carruur si joogto ahna wuxuu uga ciyaarayaa horyaalka Germany.

“Waa uu ka xumaanayaa fursadda uu lumiyey (goolka aanu dhalinin), laakiin wali waa 17 jir cidhiidhin wanaagsan, ku faraxsan inuu hore u wado kubadda, waxayna u ahayd habeen uu shaqo fiican qabtay.”

Ian Wright iyo Eni Aluko ayaa iyaguna ku waafaqay Roy Keane amaanta uu u jeediyey Jude Bellingham, waxaana Wright oo hadalka ku horreeyey uu yidhi: “Ciyaaryahanadda qaarkood waxay doonaan inay si degdeg ah u dhaqaaqaan, isaguna waa deggan yahay, taas ayaanaynu u baahanaynaa.”

Aluko ayaa ku daray: “Umaba malaysid inuu yahay 17 jir. Waa farshaxinista cajiib ah, wali waa carruur waxaanu muujinayaa heerka ciyaar uu ku raaxaysanayo.”

Jude Bellingham ayaa rajaynaya in uu xulka qaranka England u safto ciyaartiisii saddexaad marka ay Axadda safar ugu tagaan Albania, halkaas oo haddii uu gool dhaliyo uu ku geli doono taariikhda qaranka England.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More