Florentino Perez Oo Ay Godkiisa Biyo Ugu Galeen &

Real Madrid ayaa qabsan doonta doorashada Madaxweynaheeda sannadkan 2021, waxaana musharraxiinta tartamaysa ka mid ah madaxweynaha hadda ee Florentino Perez.

Kaddib markii uu si xidhiidh ah ugu soo guuleystay doorashooyinkii 2009, 2013 iyo 2017, Florentino Perez ayaa ay hadda godkiisa biyo ugu galeen, waxaana saaxadda soo galay oo la tartamaya Enrique Riquelme oo ah ganacsade 32 jir ah oo ku dhashay deegaanka Cox ee Valencia, kaas oo go’aansaday in uu Perez kula tartamo doorashada sannadkan.

Sida uu dhigayo sharciga doorashada madaxtinimada Real Madrid, waxa jira shuruudo dhawr ah oo ay yar yihiin dadka buuxin karaya, waxaana ugu horreeya labada qodob ee inta badan ay dadku ku hadhaan ee kala ah: In murashaxu uu ugu yaraan 20 sannadood ka mid ahaado xubnaha kooxda iyo in uu damaanad qaadayo inuu bixin karayo 15 boqolkiiba miisaaniyadda kooxda, taas oo waqtigan qiyaas ahaan noqonaysa 92.5 milyan oo Euro.

Sida uu qoray wargeyska Marca, shuruudahani caqabad kuma noqonayaan Riquelme sababtoo ah waa ganacsade da’yar oo lacago badan ka sameeyey qaaradda Latin America, isla markaana xubin ka ahaa kooxda muddo labaatan sannadood ah, iyadoo illaa carruurnimadiisii uu liiska taageereyaasha ku jiray.

Dhinaca kale, shirkaddiisa Cox Energy ayaa dhowaan lagu qiimeeyey in ay haysato lacag dhan 300 milyan oo Euro.

Mar uu bixinayay waraysi ayuu Riquelme yidhi: “Hadda laga bilaabo, Real Madrid waa in ay jiho cusub qaaddo, isla markaana si buuxda loo xirfadeedyo maamulka, si kooxdu dhab ahaan u noqoto mid heer caalami ah, haddii kale dhibaato ayaa jiraysa.”

32 jirkan oo u warramayay warbaahinta El Confidencial ee waddanka Spain ayaa intaa ku daray: “In aad noqoto koox caalami ah, way ka macne weyn tahay in aad safar ku tagto Maraykanka. Waxaan arkayaa suurtogalnimada ah in aan dabakho wixii aan bartay iyo boodh xirfadle oo maamul, si aan kooxda heerka xiga u gaadhsiiyo.”

Riquelme wuxuu amaahay Perez shaqadii uu kooxda usoo qabtay qarniga 21aad, laakiin wuxuu aaminsan yahay in hadda la joogo waqtigii isbeddel la samayn lahaa, waxaanu yidhi: “Santiago Bernabeu ayaa aasaas u ah waxa ay tahay Real Madrid iyo waxa uu isagu yahayba, shaki la’aanna waa madaxweynihii ugu wanaagsanaa taariikhda kooxda.

“Hore waxa u jiray madaxweyneyaal kale oo wanaagsan, laakiin Florentino Perez waxyaabo aad u wanaagsan ayuu u qabtay kooxda, balse kooxdu waxay waqtigan u baahan tahay isbeddel.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More