Waa 17 Sano Jir Ay Barcelona Saxeexiisa Ku Garaacday Man

Kaliya dhawr bilood ayuu kasoo tirsanaa safkeeda balse waxa cad in Barcelona ay mustaqbalkeeda fog ka dhex aragto da’yarka Pedri oo hadda banaanka la keenay lacagta aadka u badan ee heshiiskiisa Camp Nou ku xidhan.

17 sano jirkaas ayaa suuqii dhawaa lacag 4.5 Milyan Pound ah Barcelona ugaga yimid dhinaca Las Palmas balse heshiiska ayaa gaadhi kara 19.9 Milyan Pound haddiiba shuruudo ku xidhan uu buuxiyo.

Sida uu sheegayo il-wareedka caanka ah ee Goal, Barcelona ayaa saxeexa Pedri kaga guuleysatay labada kooxood ee waaweyn ee kala ah Manchester City iyo Bayern Munich.

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in Barcelona oo mustaqbal fiican ka dhex aragta da’yarkaasi ay dooratay inay lacag sarre ku xidho heshiiskiisa taas oo ay kaga hor tagayso in mustaqbalka dhaw si sahlan loogala wareego.

Lacagaha badan ee heshiiyada lagu xidho ayaan ahayn wax ku cusub kubadda cagta Spain balse waxa cad in Blaugrana ay filanayso in Pedri uu wax weyn u keeni karo marka uu halyeeygeeda Lionel Messi meesha ka baxo.

Pedri ayaa horeba ugu qasbay tababare Ronald Koeman inuu boos ka siiyo shaxdiisa koowaad isagoo ilaa haatan siddeed kulan usoo saftay Barca xilli ciyaareedkan isla markaana hal gool usoo dhaliyay.

Da’yarkan qaybta ka ah xulka Spain ee 21 sano jirada ka yar oo ka ciyaari kara labada garab weerar iyo No.10-ka ayaa filanaya inuu kulankiisii sagaalaad caawa Barcelona uga soo muuqan karo ciyaarta ay Dynamo Kyiv soo dhawayn doonaan.

Kahor kulankaas, Pedri oo 18 sano jir noqonaya 25-ka bishan ayaa amaanay kabtankiisa Messi oo uu sheegay inuu caawiyo talo badana siiyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More