Varane Oo Macasalaameeyey Garoomada, Ramos & Mendy Oo Soo Laabtay Iyo

Warbixinta baadhitaankii caafimaad ee lagu sameeyey difaaca reer France ee Raphael Varane ayaa Actual Madrid u sheegtay in xisaabtooda ay ka saaraan difaacan, kaas oo in muddo ah garoomada uga maqnaan doona dhaawac muruqa ah oo kasoo gaadhay kulankii Osasuna ee Sabtidii.

Varane ayaan qayb ka noqon doonin kulanka Actual Madrid ay Arbacada la ciyaari doonto Chelsea, sidoo kalena waxa laga dayrinayaa fursadda uu u heli doono kulamada horyaalka LaLiga ee soo socda ee afarta ah ee ka hadhay xilli ciyaareedka.

Actual Madrid ma shaacinin muddada uu qaadan doono dhaawaca Varane, laakiin warbixin ay soo saartay ayaa waxay ku sheegtay in baadhitaano lagu sameeyey uu xaqiijiyey in uu muruqa lugta midix uu dhaawac kasoo gaadhay, isla markaana la qiimayn doono xaaladdiisa iyo waqtiga soo kabashadiisa.

Laacibkan ayaa liiska maqaneyaasha kula biiray Lucas Vazquez iyo Dani Carvajal oo xilli ciyaareedka oo dhan maqnaanaya.

Laakiin warka wanaagsan ee Zinedine Zidane uu helay ayaa ah in Sergio Ramos iyo Ferland Mendy ay kusoo laabteen tababarkii subaxnimadii maanta oo Isniin ah, isla markaana ay si fiican ula qaateen ciyaartoyda kale iyagoon dareemaynin wax dhibaato ah.

Ramos oo saddex kulan oo kaliya u saftay Actual Madrid sannadkan cusub ee 2021 ee bishii shanaad la galay iyo Mendy oo dhawrkii kulan ee ugu dambeeyey ku maqnaa dhaawac ayaa qayb ka noqon doona safarka kooxdoodu ay berri ugu baxayso magaalada London, halkaas oo ay lugta labaad ee semi-finalka Champions League kula soo ciyaari doonaan Chelsea.

Maadaama ay maqan yihiin Varane, Vazquez iyo Carvajal, Zidane ayay wax weyn u tahay soo laabashada Mendy iyo Ramos.

Mendy ayaa labada tababar ee u hadhay kooxda lagu qiimayn doonaa haddii uu kusoo bilaaban karayo kulanka Chelsea, waxaana haddii uu taam noqdo uu si toos ah ugu soo laaban doonaa difaaca bidix, halka Ramos, Nacho iyo Eder Militao ay iyaguna ka ciyaari doonaan difaaca.

Fede Valverde ayaa isaguna maanta sugaya natiijada baadhitaanka Korona Fayras oo Axaddii laga qaaday, waxaanu rajaynayaa in uu heli doono shahaadada fasaxa kulanka Chelsea.

Fede ayay adkaan doontaa in uu kusoo bilowdo kulanka Blues maadaama uu 12 maalmood karantiil ku jiray, waxaase haddii uu Salaasada iyo Arbacada uu tababarka qaato laga yaabaa in difaaca midig laga ciyaarsiiyo sidii kulankii Barcelona oo kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More