Van Dijk, Mainoo, de Ligt, Branthwaite & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Kooxda Al-Nassr ee ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ayaa doonaysa saxiixa daafaca Liverpool ee Virgil van Dijk (Marca).

Kooxda Man United ayaa si dhaw ula socota xaalada daafaca kooxda Bayern Munich ee Matthijs de Ligt (Sky Sports Germany).

Man United ayaa sidoo kale doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Nice si ay ugu xoojiyaan daafaca (Mail).

Man United ayaa diiday in ay bixiso lacagta 70 milayn ee ay Everton ku qiimayso daafaca Jarrad Branthwaite waxana ay diyaar u yihiin in ay u leexdaan bartilmaameed (ESPN).

Kooxda Barcelona ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Man United ee Kobbie Mainoo (Sacha Tavolieri).

Aston Villa ayaa Chelsea u ogolaatay in la hadasho xiddiga Jhon Duran kadib markii ay ogolaatay in ay 40 milyan ka bixiso xiddiga (Telegraph).

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Nacho Fernandez ayaa wadahadalo kula jira kooxda ka ciyaarta sucuudiga ee Al Ittihad (The Athletic).

Kooxda Arsenal ayaa suuqa dhigtay xiddiga Emile Smith Rowe iyada oo ku iibinaysa lacag dhan 30 milyan oo euro (Football Insider).

Kooxda Everton ayaa u sheegtay Arsenal in ay bixiso lacag dhan 50 milyan ah hadii ay doonayso saxiixa Amadou Onana (Liverpool Echo).

Liverpool ayaa ku kalsoon in uu kabtankeeda Virgil van Dijk heshiis cusub u saxiixi doono kooxda (talkSPORT).

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More